ha_noolaato Profile Banner
Ayaanle Hussein Abdi Profile
Ayaanle Hussein Abdi

@ha_noolaato

Followers
48K
Following
196
Statuses
2K

Journalist, commentator and Founder of #Hanoolaato Media Network. based in London #UK. Nothing is impossible if you have a good moral compass..

London
Joined January 2013
Don't wanna be here? Send us removal request.
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
10 months
Isku baddal mise isbaddal Isku baddal: Cabdi-qaasim oo aan Cabdullaahi ku baddalnay, Cabdullaahi oo aan Sh shariif ku baddalnay, Sharif oo aan Xasan ku baddalnay. Xasan oo aan Farmaajo ku baddalnay iyo Farmaajo oo aan Xasan ku baddalnay. Is baddal: Waa hoggaamin wadata, aragti ku shaqeysa dhiig cusub oo si walba uga duwan, xididdadana u siibta wixi ka horeeyay ee abuuray baahida isbaddal. I have a dream
Tweet media one
64
14
251
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
8 days
Madaxweyne iyo labada raysal wasaare hore ayaa fadhiyo siyaasadeed oo waaweyn kuleh Xamar. Shariifka iyo Khayre mowqifkoodu waa cadyahay oo waa mucaarad diiddan sida ay wax u socdaan, gaar ahaan dastuurka iyo doorashada qof iyo cod. Rooble waa siyaasi waxa uu rabo inta la joogta un u sheega oo aan wali warkiisu caddeyn, waa nin wax badan xeerinaya oo oday u ahaa kala guurki dhibka badnaa ee lagu doortay MW Xasan Shiikh 15 May 2022. Caadiyan xiliga doorashadu soo dhawaato dalku laba koox ayuu noqdaa. Mucaarad isku saf ah oo ka mideysan ( laba ujeeddo )ridista madaxweynaha jooga iyo in teendhada lagu noqdo iyo Villa Somalia oo leh teendho dambe ma jirto ee doorasho qof iyo cod ah ayaa lagu kala baxayaa. Xusuusteyda kuwi hore oo dhan sidi mucaaradku rabay ayay wax ku dhamaadeen, inkasta oo dowladdu haysato Muqdisho oo ka nabad badan sidi hore iyo waqti ku filan oo ay ku hagaajin karto doorasho heshiis lagu yahay. Maxay kula tahay?
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
34
2
50
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
13 days
Xamar xukun askareed kuma soo arag MW Xasan shalay waxaa lagu doortay waa loo darsaday, ee bal ka warrama haddii berrina aan dhahno “ cid dhaanta lama haayo”! Laba walxaad oo aan Xamar ku soo arkay haddii aysan is baddalin waxay fursad kale siinayaan MW Xasan. 1: Waxaan arkay shacab iyo siyaasiyiin xor ah oo aan shabaab iyo dowlad midna ka cabsaneyn oo rayigooda dhiibanaya. 2: Waxaan arkay siyaasiyiin qabsanaya kulano lagu dhaliilayo xukuumadda oo ammaanka goobta la leeyahay waxaa sugaya ciidanka dowladda. #Police iyo #NISA Dhaqankaas inta uu jiro wey adagtahay in Xasan cid dhaanto la helo, ma ogi haddii dowladda gudaheeda dad mucaaradka agendahooda fuliya laga helo. Mucaaradka howl baa u taal.
Tweet media one
148
49
278
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
21 days
Dagaalka ay #Puntland kula jirto daacish, wuxuu bannaanka soo dhigay farqiga u dhaxeeya Puntland iyo maamulada kale ee Konfur Galbeed, #Jubbaland, #Gamudug iyo #Hirshabelle oo aan dagaal ku qaadin argagixisada ilaa ay hor-kacdo dowladda dhexe. Taas ayaa caddeyn noogu filan in PL ma ahane, maamulada kale oo dhan aysan dagaal kula jirin Shabab ee waxa dagaalka wada ay tahay dowladda federalka ah. Maamul kasta hadduu isku xilqaami lahaa xoreynta deegaankiisa, waxaa yaraan lahaa culeyska iyo masuuliyadda dagaalka xoreynta ee loo daayay dowladda dhexe. #Villasomalia waxay ku taageeri kartaa PL saadka, sirdoonka iyo diyaaradaha wax duqeeya ee dowladdaha taageero Soomaaliya.
Tweet media one
42
17
148
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
22 days
Is booqashadu ma shaqo qaran baa? Waxaan aragnaa madax is booqaneysa, Raysal wasaare wasaarad kormeeraya ama badanaa RW kuxigeen dhowr wasaaradood isku maraya. Xil u kala wareejinta wasiiro iyo xarig jar ama dhagax-dhig cusub waaba loo qaateen, laakin is booqasho maxay tartaa? Soo dhaweyntiisa saf baa loo galinaa shaqaalihi, kursiga wasiirka ayaa looga kacayaa, kadibna waa iska baxayaa? Shaqo kale oo ka muhimsan uma taallo miyaa RW ku xigeenka?
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
24
4
25
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
23 days
Marka FB leyska guursado iyada oo aan horay leys arag, xaalku wuxuu badanaa ku dambeeya “Sidan in aad u egtahay ma moodeyn” Dhibaatadu waa makeup-ka iyo Filterka.
Tweet media one
2
0
16
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
23 days
MW Cabdullahi Yusuf wuxuu ahaa madaxweynihi ugu horeeyay uguna dambeyay ee dowladdiisi ay gole deegaan u sameyso Muqdisho 15 sano ka hor, xili uu dalku sidan ka ammaan xummaa, kana dhaqaale yaraa! Waxaa aad loo xusuustaa daddaalki iyo doorkii siyaasadeed ee ay dhismaha golahaas ku bixiyeen RW Nuur Cadde iyo RW ku xigeen, wasiirki Warfaafinta Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo ilaa maanta dad badan ay ku xushmeeyaan. Yaa dumiyay golihi hore?
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
3
3
10
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
29 days
Waxa kaliya ee aan hubo waa in MW Xasan Shiikh uusan lahayn dhaqanka ah in uu abaabulo kooxo u heesa ama mucaaradka u caaya. Dowladda wixi la doono ha laga sheego, xaq baa loogu leeyahay in la dhaliilo, wixi caay ahna jawaab ma lahan. Laakin waxaa dambi ah in ay soo baxaan kooxo is diray oo madaxweynaha ama dowladda difaacaya. Waa dhaqan xun oo ay ku jabeen dowladihi hore oo ay ugu dambeysay tii Mohamed Abdullahi Farmaajo waa in wax laga bartaa CBB iyo 8 kun oo shaqaalaha dowladda ah oo lagu qasbi jiray in ay caayaan mucaaradka, maxaa laga dheefay? Dowladdu waa in ay talaabo ka qaado sharcina ka soo saarto, dadka ku heesa afka dowladdda ( Guulwadeynta). Waa in lakala diraa kooxaha iyaga oo labisan dharka ciidanka u heesaya mucaaradka, iyo kuwa aan labisneyn ee qaadaya heesaha kala qeybinaya bulshada. Dalkani kama jiro xukun askareed.
Tweet media one
212
27
252
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
1 month
Booqashada MW Xasan Shiikh ee Addis Ababa waa kulanki 1-aad ee dhexmara hoggaamiyaasha sare ee labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, kadib heshiiski Ankara. Sida heerka sare ah ee loo maammuusay ayaa jawaab ka bixineysa mudnaanta uu safarkani u leeyahay Ethiopia. Muddaddi uu xummaa xiriirka labada dal, waxay Ethiopia gashay godoon siyaasadeed oo wax weyn u dhimmay sumcadeeddi xiriirka dibadda. Xasan Shiikh wuxuu sanadka 2025 ugu bilowday jawi Nabad ah oo dhexmara labada dal, taas oo taageereysa in uu hantiyo biladda caalamiga ah ee Nobel Peace Prize oo uu u shaxaranyahay.
Tweet media one
131
18
170
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
1 month
Prof. Dalxa - Waayaha heestii Shankarroon ee uu xiddiga ku noqday
1
2
26
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
1 month
Prof. Bideey wuxuu ku dhaawacmay Qaraxi Shaamow 2009
2
1
17
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
1 month
Wareysi 4 qeybood ah oo aan ka qaadnay Prof. Maxamed Cumar Dalka ayuu nagula wadaagayaa waayihiisi nolosha, waxbarashada, Fanka iyo siyaasadda. Wareysiga 1-aad: Fanka Ma hiwaayad buu u ahaa mise shaqso? Wareysiga 2-aad : Qisada Heesta #Hodan ma'ahan dhagarreey! ee jawaabta u ahayd eedihi dusha laga saaray ee ahaa in ay iyadu sabab u ahayd geerida Cilmi Boodhari. Wareysi 3-aad: Wiilkeygi iyo walaalkeey ayaa lagu dilay dagaalki sokeeye. Wareysiga 4-aad: Turaabi muxuu ka yiri dagaalka Cali iyo Caydiid Kala soco
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
6
3
45
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
2 months
@AAbdishakur “ Soomaaliya dagaalki baa dhammaaday ee colaaddi ma dhammaan”
Tweet media one
3
1
21
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
2 months
Siyaasiyiin badan oo quudareynaya in ay xilal ka qabtaan dowladda, waxay leeyihiin “ MW Xasan Shiikh in uu qof xil u magacaabo waqti ayay qaadataa in uu ka qaadana kaba sii daran”. odayga gacan culeyska aan lagu aqoon madaxdi hore ayaa lagu xamanayaa! Aniga waxaan iri “ Nin deg deg badan iyo Xasan maxaa kala haysta” Maxay kula tahay?
Tweet media one
36
4
89
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
2 months
Raaskambooni waxaa ka horeeyay Cowsweyne cidba looma raacan! Hamze” Madaxweyne igu qaado Cowsweyne adaa maammulay, anigana Raaskambooni ayaan maamulay ee yaan ku kaarto baxnaa” ? Hassan” Sidan ma soconeyso” Maxaa idiin baxay?
Tweet media one
21
10
76
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
2 months
Muqdisho waxaa ku yaala baro koontarool oo qof dhaafi karaa jirin, aqoonsigaad rabto wado ama xilkaad doonto hay, waa qasab in la baaro gaarigaaga kor iyo hoos. Waxaa ku mahadsan hay’adaha ammniga dalka. #NISA #Police Noolaada
Tweet media one
42
19
245
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
3 months
Hadal haynta ugu badan ee laga qabo guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha waxay tahay masuuliyadda hay’addan iyo dadka loo xulay? Maxay kula tahay?
Tweet media one
5
0
19
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
3 months
MW Ahmed Madoobe waligiisba doorasho ay VillaSomalia ogoshahay ma qabsan! Tan ayaaba ugu dhib yareyd.
Tweet media one
10
2
30
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
3 months
20-ka sano ee soo socota haddii aan isbaddal kale Alle keenin, waxaan ku jiri doonaa “kala doorashada mid noo daran iyo mid ka sii daran”! Xasan waxaa lagu keenay Farmaajo ayuu dhaammaa ee yaan la keenin mid Xasan ka sii daran!
Tweet media one
21
5
46
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
3 months
Soow lama dhihi karo, Guddoomiye Cirro oo Madaxweyne noqda, waa fursadda kaliya ee u hartay SL, oo hadda mareysa "Alloow usha dhexda qabo".
Tweet media one
54
6
104
@ha_noolaato
Ayaanle Hussein Abdi
4 months
Taliye Boolis waa la magacaabi jiray oo wax cusub ma’ahan, laakin Asad Diyaano tiisa waxaad mooddaa in xilweyn oo siyaasadeed la magacaabay! Garowe oo aan baryahan joogay iyo Muqdisho oo aan maanta imid, sheekada ugu weyn ee taalla waa magacaabista taliyaha cusub ee Booliska. Maxaa jira oo taliyaha cusub uu hadal haynta intaas la eg ku yeeshay?
Tweet media one
66
8
121