Somaliland National TV
@SLNTV
Followers
17K
Following
119
Statuses
2K
This is the official @X Account of Somaliland National Television.
Hargeisa, Somaliland
Joined November 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (#Cirro) iyo wefti uu haggaminayo ayaa galabta diyaarad khaas ฤทaga duulay Madaarka #Hargeysa. Madaxweynaha JSL ayaa si rasmi ah loogu marti-qaaday in uu ka qayb galo Shir-weynaha Dawladaha Adduunka sanadka 2025 oo 11-ka ilaa 13-ka bishan February ka dhici doona Magaalada #Dubai. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa shirkaasi ka jeedin doonaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
0
0
7
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐ Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland oo Komishanka Doorashooyinka Qaranka u xaqiijiyey in ay Doorashooyinku ku dhici doonaan Waqtigii loo Muddeeyey . -------------------------------------------------------- Hargeysa - 10-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Maxamed Aw Cali Cabdi ayaa maanta (10.02.2025) kulan muhiim ah la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ). Kulankani wuxuu ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu Madaxweynuhu xilka dalka hayey, Madaxweynaha ayaa KDQ uga mahad celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen Madaxweynaha. Kulanka ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) la qaateen Madaxweynaha ayaa ahaa is-xog waraysi iyo ka wada tashi arrimaha doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool leh, 31.05.2026-ka, waxayna Madaxweynaha uga mahad celiyeen kulanka uu la qaatay. Komishanku waxa ay Madaxweynaha war bixin guud ka siiyeen habsami-u-socodka hawlaha ay KDQ uga wakiilka yihiin Qaranka Somaliland. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay soo gaba-gabeeyeen daraasad qoto dheer oo la xidhiidha dib-u-eegida doorashooyinkii ina soo dhaafay (Post Election Review) iyo ka talo bixinta arrimaha u baahan in la saxo. Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh. Madaxweynaha ayaa KDQ ku amaanay hirgelinta Doorashadii Xasaasiga ahayd ee Madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka 13.11.2024. Madaxweynuhu wuxuu KDQ u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka Madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul. Madaxweynuhu wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) u sheegay in ay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah eek a soo baxay doorashadii ina dhaaftay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadahaa iyo duruusta aynu ka baran karno si aynu mustaqbalka uga digtoonaano caqabadaa iyaga ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu KDQ u xaqiijiyey in uu fulayo ballanqaadkii uu Madaxweynuhu la galay Ummadda JSL ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada Doorashooyinka, sidaa darteedna ay Doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool lihi ay, Idamka Allah ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasoo ah 31/05/2026-ka. Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu KDQ u sheegay una ballan qaaday in Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay ay diyaar u tahay in ay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda Doorashooyinka. Madaxweynuhu waxa kale oo uu KDQ u sheegay in ay qayb iyo hormoodba ka noqon doonaan dib-u-habaynta lagu samayn doona hannaanka doorashooyinka dalka iyo weliba dib u eegidda qaabka diwaangelinta codbixiyeyaasha. Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu KDQ faray in ay soo diyaariyaan khariidaddii iyo qorsihii Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka (Election Road Map), doorashooyinkaa oo dalka ka qabsoomi doona 31/05/2026-ka. ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
0
0
6
Baligubadle - 09-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi #Cirro ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay bilowga jidka isku xidhi doona #Baligubadle - Hargeysa . Madaxweynaha iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey ayaa Magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd kaga qeyb galay munaasibad balaadhan oo loo sameeyey daah-furka Waddadaas .
0
3
19
President to visit #Baligubadle to launch construction of highway connecting it to Hargeisa By M.A. Egge The President of the Republic of #Somaliland H.E. Abdirahman Mohamed Adbillahi Irro, will make his first visit to the regions of the country on Sunday, visiting the town of Baligubadle in the Hawd region. According to the Somaliland News Agency, SOLNA, the Head of State will lay the foundation stone for the construction of the road connecting Hargeisa and Baligubadle, a development move that has been hailed highly by the residents of the region. During the presidential election campaigns, he promised severally to see to it that the life-line road connecting Baligubadle and Hargeisa is to have its construct within the first 100 days of the new administrative term. The President will thus be expected to make his first visit to the region of the country on Sunday (9th February 2024) visiting the town of Baligubadle in the Hawd region. Some of the people living in Baligubadle town told SOLNA news agency that they are very grateful to President Abdirahman Irro for fulfilling his promise regarding the construction of the road. Similarly, intellectuals in the Hawd region said that the completion of the Baligubadle-Hargeisa road would highly boost and propel the economy and growth of Baligubadle town, which happens to be the famous headquarters of the SNM organization during the long struggle. They also indicated that the move would boost even more the local support and fame from the area community who greatly aligned with him during the presidential election, after they were endeared by his appeals.
6
13
72
Summary of the Speech by the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Republic of #Somaliland, Hon. Abdirahman Dahir Aden Bakaal, at Todayโs Weekly Cabinet Meeting 1. Foreign Embassies Act and Its Significance This act aims to: โ
Establish a clear and efficient operational framework for Somaliland embassies. โ
Define specific responsibilities and ranks for diplomats to enhance operational effectiveness. โ
Protect the rights of Somaliland citizens living abroad. โ
Ensure embassies are reliable and professionally managed to safeguard national interests. The approval of this act will enhance Somalilandโs diplomatic strength and the embassiesโ role in advancing its quest for international recognition. 2. Finalization of Somalilandโs Foreign Policy Strategy The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation is currently finalizing the Foreign Policy Strategy, which aligns fully with the โ100-Day Agendaโ of the WADAJIR and WAXQABAD government. This strategy outlines: ๐ Key political directions for Somalilandโs international relations. ๐ Strategies to strengthen the quest for international recognition. ๐ Approaches to foster economic cooperation and attract foreign investments. ๐ Measures to bolster Somalilandโs diplomatic engagement and global influence. The completion of this strategy will establish a comprehensive foreign policy framework grounded in Somalilandโs national interests. 3. Establishment of the Somaliland Institute for Diplomacy and International Relations Studies As previously promised by the President of Somaliland, H.E. Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro), the Ministry has made significant progress toward establishing the Somaliland Institute for Diplomacy and International Relations Studies, with its official launch planned for next week. This institute will serve as: ๐ A training hub for future diplomats. ๐ A center for research and studies on international relations. ๐ก A platform to develop the skills and expertise of Somaliland diplomats. This initiative will elevate Somalilandโs diplomatic capacity and influence on the international stage. 4. Strengthening Engagement with the Somaliland Diaspora The Somaliland diaspora plays a vital role in the countryโs socio-economic development. To strengthen this engagement, the Ministry has revitalized the department overseeing diaspora affairs. Current efforts include: ๐ Planning and hosting the Annual Somaliland Diaspora Conference. ๐ค Strengthening collaboration between the diaspora and the Somaliland government. ๐ Promoting investment and fostering economic growth within Somaliland. ๐ Establishing formal structures to facilitate greater diaspora involvement in national development. The upcoming conference will unveil significant initiatives to enhance diaspora engagement in Somalilandโs reconstruction and progress. The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Abdirahman Dahir Aden Bakaal, concluded his remarks by stating: โMr. President, esteemed colleagues, today we have gathered to conduct an in-depth discussion on the Foreign Embassies Act of the Republic of Somaliland. This important legislation will provide a solid legal framework to guide the operations of our embassies around the world. It represents a crucial step toward enhancing our diplomatic efforts and protecting our national interests.โ Department of Information and Public Relations, Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation (WAD&IC), Republic of Somaliland
8
4
26
Press Release Hargeisa โ 06-02-2025 The 8th session of the Cabinet Meeting of the Republic of #Somaliland was held today at the Presidential Palace, chaired by the President of the Republic of Somaliland, H.E. Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro), alongside Vice President Mohamed Ali Aw Abdi. The meeting covered several key issues of national importance. The Minister of Interior reported that the country remains secure, with no major disturbances or threats to public safety, aside from routine crimes and traffic accidents. The Minister of Finance and Economic Development highlighted the continued growth in national revenue. He assured the Cabinet of ongoing efforts to enhance tax collection and promised government intervention to address the depreciation of the Somaliland Shilling. The Minister of Education presented the National Education Policy, emphasizing that it addresses the current educational and knowledge needs of Somaliland society. He noted that the policy was meticulously developed in line with the third phase of the National Development Plan and other government strategies under the theme of โUnity and Action.โ The Minister of Foreign Affairs and International Relations briefed the Cabinet on progress in foreign policy, with particular emphasis on the Draft Foreign Embassies Act. He stressed that diplomacy is vital for safeguarding national interests, fostering international partnerships, and pursuing international recognition. He urged the Cabinet to approve the law, which will provide a solid legal framework for the functioning of Somalilandโs foreign embassies. The Minister of Planning and National Development provided a detailed update on the Somaliland Development Fund (SDF). She explained its structure, management, and the priority development projects funded by it, which contribute to national progress. The Minister emphasized that the SDF enables the government to deliver essential services in sectors such as infrastructure, healthcare, and water resources, with support from international donors. The Minister of Fisheries and Marine Resources highlighted the vast marine resources of Somaliland, including over 360 commercially viable fish species. He expressed concern over the limited exploitation of these resources due to challenges such as a lack of equipment, skills, investment, and a national policy for marine resource management. The Minister of Livestock and Rural Development presented several key updates to the Cabinet, including: ย ย ย โขย ย ย Completion of the National Livestock Feed Policy ย ย ย โขย ย ย Reports on livestock diseases across all regions ย ย ย โขย ย ย New procedures for livestock treatment ย ย ย โขย ย ย Finalization of the Qool-Cadey Reserve Study ย ย ย โขย ย ย Preparations for a National Conference on Livestock Resource Utilization ย ย ย โขย ย ย Establishment of a fully equipped laboratory for livestock health testing ย ย ย โขย ย ย Health safety measures for milk markets ย ย ย โขย ย ย Hygiene improvements in slaughterhouses ย ย ย โขย ย ย Development of a national strategy for livestock care and rural development Additionally, the Cabinet approved the formation of subcommittees for the Council of Ministers. Hussein Adan Igeh (Deyr) Spokesperson for the President of the Republic of Somaliland
1
1
2
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐ Hargeysa - 06-02-2025-( )- Fadhigii 8-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda #Somaliland oo Shir-gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenku Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Ajandaha Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa ka koobnaa arimo door ah oo mudnaan u leh dalka iyo dadka. Ugu horeyn, Goluhu waxaa uu warbixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha u waxaana uu sheegay in amniga dalku sugan yahay , isla markaana aaney jirin wax shaqaaqoyin iyo nabad gelyo daro ah marka laga reebo danbiyada iyo shilalka gadiidka ee maalin laha ah. Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa golaha u sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa uu kor u sii kacaayo dakhliga dalku, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ay si weyn u dardar gelinayaan ururinta cashuuraha isla markaana ay Xukuumad ahaan ay wax ka qaban doonan qiimo dhaca Shilinka Somaliland. Wasiirka Wasaarada Waxbarashada JSL ayaa Golaha hor keenay siyaasada Waxbarashada ee Qaranka JSL, waxaana uu Wasiirku sheegay in Siyaasadaasi ay tahay mid ka tarjumeysa baahiyaha Bulshada Somaliland ee xaga Waxbarashada iyo aqoonta ee wakhtigan xaadirka ah. Siyaasadani waa mid loo soo qorsheeyey si koto dheer oo casri ah, isla markaana ku sar go,an Qorshaha Horumarinta Qaranka qeybtiisa 3-aad iyo siyaasadaha kale ee ay leedahay Xukuumada WADAJIR IYO WAXQABAD. Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ayaa Golaha uga xog waramay habsami u socodka Siyaasadda Arimaha Dibedda ee JSL ,waxaana uu si gaar ah u dul istaagay Xeerka Safaaradaha Dibedda ee JSL. Wasiirku waxuu sheegay in ay Diblomasiyadu tahay meesha ugu mihiimsan ee uu Waddan kasta ka ilaashado danihiisa calaamiga ah, kobcinta iskaashiga iyo raadinta aqoonsiga uu dalkeenu u baahan yahay, sidaas darteedna ansixinta Xeerka Safaaradaha Dibeddu in ay mihiim u tahay dhismaha nidaam sharci oo sugan oo haga hawlaha Safaaradaha Somaliland ee Dibedda. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa Golaha Wasiirrada uga xog warrantay aasaaska Sanduuqa SDF, qaab dhismeedka, qaabka loo maamulo, heerarkii uu soo maray iyo mashaariicda mudnaanta ama faa'iidada u leh Horumarinta Qaranka ee laga maal geliyo SDF. Wasiirku waxay si qoto dheer uga war bixisay hawlaha mudnaanta u leh harumarinta dadka iyo dalka ee Sanduuqa SDF uu Qaranka JSL uga masuulka yahay ee ay sida wadajirka ah masuulka uga yihiin Xukuumadda Somaliland iyo Waddamada Deeqaha Bixiya, gaar ahaan xagga kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, khayraadka biyaha, iwm, taasoo Xukuumadda u suurto galisa in ay bixiso adeegyada lagama maarmaanka u baahiyaha bulshada. Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda ayaa Golaha si qoto dheer ugaga xog waramay Khayraadka ku jira Baddeena iyo Kaydka Dihin ee Kalluunka ah ee Badeena ku jira, waxaana uu Wasiirku sheegay in Badda JSL uu ku jiro in ka badan 360 nooc oo kaluun ah oo ganacsi geli kara . Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in uu aad u hooseeyo ka faaโideysiga Kalluunka. caqabadaha jirana ay yihiin: Qalab Laโaan, Xirfad laโaan, Maalgashi laโaan, Aqoon laโaan iyo iyada oo aanay jirin Siyaasad cad oo Qaran oo lagu hago ka faaโiidaysiga Kaluunka iyo khayraadka badaheena ceegaaga. Wasiirka Wasaarada Xananada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miiga ayaa golaha xog waran ka siiyey : โข Siyaasada Calafka Xoolaha oo ay Wasaaradu soo dhameys-tirtay โข Xogta xanuunada ku dhaca xoolaha ee dhamaan gobalada dalka โข Habraaca cusub ee Daaweynta Xoolaheena . โข Dhameystirka Daraasada Seeraha ee Qool-Cadey โข Qaban Qaabada Shir weyne Qaran oo lagu gorfeyn doono ka faaโideysiga Khayraadka Xoolaheena ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
0
4
21
The Minister of @somalilandmfa, Hon. @min_abdirahman, accompanied by the Director General, @mohamedabdirahm, received the Acting Special Envoy of the @UN Secretary-General, Hon James Swan, at his office this morning during his visit to the country. (1/3)
8
4
30
WAR SAXAAFADEED ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ #๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ฎ-๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐จ๐ ๐ก๐๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ข๐๐จ๐จ๐๐๐ฒ, ๐๐ซ. ๐๐๐ฆ๐๐ฌ ๐๐ฐ๐๐ง. Hargeysa - 05-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta (05.02.2025) oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa kulan mihiim ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Ku-simaha Ergayga Xoghaya Qaramadda Midoobay (UN) u qaabilsan arrimaha Somaliland /Soomaaliya, Mudane James Swan oo booqasho ku yimid dalka Somaliland. Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobey wuxuu Madaxweynaha JSL ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartanka Madaxtooyada ee ka qabsoomay Somaliland ๐๐.๐๐.๐๐๐๐. Ergaygu waxa uu Jamhuuriyada Somaliland ku amaanay Tartankii dorashashoyinkii bilaa turxaanta ahaa ee ka dhacay Somaliland iyo qaabkii ilbaxnimada laheyd ee Xukunka loola kala wareegay . Ergayga Qaramada Midoobey wuxuu hoosta ka xariiqay in Hay'addaha Qaramadda Midoobey ay diyaar yihiin in ay sii wadaan shaqadda muhiimka ee ay Qaramada Midoobay ka waddo Somaliland. Sidoo kale, Ergaygu waxa uu Madaxweynaha ka waraystay qorshayaasha Xukuumaddiisa boqolka cisho ee u horeeya. Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobey wuxuu si weyn u soo dhaweeyey baaqyaddii nabadda ee uu soo saaray Madaxwaynaha JSL, gaar ahaan in wada-hadal iyo hab nabbed lagu dhameeyo degaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku. Ergeygu waxa uu Madaxwaynaha ku bogaadiyey magacaabida Guddida Nabadda Qaranka JSL. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobey uga mahad naqay safar hawleedka uu ku yimid Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu qiray hawlaha baaxada leh ee soo jireenka ah (xag bini-aadanimo iyo xag horumarba) ee ay Hy'adaha Qaramada Midoobey ka fuliyaan Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu Ergeyga u sheegay in Xukuumadiisu ay si dhab ah mudnaanta u siinayso laba arrimood: 1) Nabad waarta, 2) Hirgelinta isbeddel dhinacyo badan leh oo la taaban karo. Madaweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Ergayga u sheegay in maalintii uu la wareegay xilka uu si rasmi ah ugu baaqay Gogol Nabadeed oo bilaa Shuruud ah, laakiin taa jawaabteedii ay noqotay in Bariga Somaliland weerarro is daba joog ah nalagaga soo qaado jihooyin kala duwan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrimahani aanay Xukuumadiisa niyad-jabin doonin waana sababta loo aasaasay Guddida Nabadda Qaranka si ay: 1. U suurto galiyaan xabad-joojin bilaa shuruud ah, 2. Ay fududeeyaan is-dhaafsiga maxaabiista, 3. Dib u furaan jidadka xidhan ee muhiimka u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga Madaxweynuhu waxa uu Ergayga u xaqiijiyey in nabada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland muddo ka badan 30 sano, ay wax weyn ku soo kordhisay Gobalka Geeska Africa. Sidaas tarteed ay Somaliland dalbanayso in Ururka Qaramada Midoobay uu Somaliland ka kaalmeeyo adkeynta iyo awoodeynta Lamaaha Amniga Somaliland JSL, si aanu awood ugu yeelano in aanu ka jawaabi karno ama aanu ka hor tagi karno khataraha waa weyn ee ka jira Gobolka Geeska Afrika. Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa tibaaxay in Xukuumadiisu ay diyaar u tahay in si dhaw ula shaqayso Hay'adaha Qaramadda Midoobey, Ururrada kale ee Caalamiga ah iyo Dawladaha bixiya deeqaha si ay Somaliland u xoojiso arrimaha xagga Nabadda iyo Xasilloonida, Dib-u-habaynta Hay'adaha Qaranka JSL iyo hiigsiga ay Somaliland leedahay in ay gaadho horumar waara. Kulankaasi wuxuu ku soo gaba-gaboobay guul iyo is-af-garad. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
11
6
37
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐ #๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐จ ๐๐๐ฌ๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐๐จ ๐๐ก๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ฑ๐๐ก๐ช๐๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenku ayaa maanta qasriga madaxtooyada qado sharaf ugu sameeyey dhamaan madax dhaqameedka Somaliland . Madax dhaqameedka ayaa ah haybada iyo sharafta qaranka Somaliland waana kuwa ka qeyb qaata ilaalinta nabada, xasiloonida iyo wada noolanshaha bulshada Somaliland. Sidoo kale Madax dhaqameedku waxay fure u yahiin, xalinta khilaafaadka , ka hor taaga colaadaha , waxaana ay aasaas u yahiin dhisamaha Qaranka
1
7
31
Dawladda #Taiwa, ayaa sheegtay inay soo dhawaysay magacaabista Safiirka cusub ee #Somaliland u fadhiyi doona dalkeeda Md. Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal). Dawladda Taiwan waxa ay warqad arrintan ku saabsan safiirka u soo dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro. Sida ay werisay Wakaaladda Wararka ee @SolnaAgency oo soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Taiwan, Diblomaasi sare oo u dhashay dalka Taiwan ayaa Salaasadii ku dhaweeyay Safiirka cusub ee Somaliland Md. Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, oo dhawaan xilkiisa kula wareegay magaalada Taipei. Chen Yung-po oo ah ku xigeenka madaxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Galbeedka Aasiya iyo Arrimaha Afrika ee wasaaradda Arrimaha dibadda Taiwan, ayaa rejo ka muujiyay in Galaal uu sii wadi doono horumarinta xidhiidhka laba geesoodka ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa bishii hore danjire Galaal u soo magacaabay safiirka Somaliland u fadhiya Taiwan. Danjire Galaal ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dawladda iyo shacbiga Taiwan. Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan ayaa sii xoogaystay tan iyo markii labada dhinac ay xafiisyo diblomaasiyadeed ka kala furteen caasimadaha labada dal sannadkii 2020kii.
6
10
83
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐๐จ ๐๐ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐๐๐ญ๐ข ๐๐๐ซ๐ ๐๐จ ๐๐ ๐๐จ๐๐๐๐ฒ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐๐๐ง๐ช๐๐ฒ๐ซ๐ญ๐ ๐๐๐ฌ (#๐๐๐๐) Hargeysa - 04-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta (04.02.2025) Qasriga Madaxtooyada JSL kulan muhiim ah kula yeeshay Wefti sare oo ka kala socday Guddida Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas qaybtiisa Somaliland (SRCS). Wafdiga ICRC-da waxa hoggaaminayay Mudane Antoine Grand, Madaxa ICRC Somaliland/Somalia, Madaxa Xafiiska ICRC-da qaybta Somaliland Mudane Jimcaale Cali Nuur iyo Mudane Axmed Cabdi Bakal oo ah Agaasimaha Fulinta ee Ururka Bisha Cas (SRCS) qaybtiisa Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Weftiga ka socdey Laanqeyrta Cas iyo Ururka Bisha Cas uga mahad naqay booqashadooda isla markaana ku bogaadiyey shaqada fiican ee bani'aadantinimo ee Hayโadahani ay ka hayaan Somaliland. Madaxweynaha JSL ayaa wuxuu qiray kaalinta wayn ee ay Hy'adahani ka qaataan ka jawaabidda baahiyaha bani'aadamnimo gaar ahaan kuwa caafimaadka, xabsiyada, qeybta naafada iyo dib u soo celinta xidhiidhka qoysaska. Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Xukuumadiisa uga go'an tahay iyo ahmiyada ay siinayso Nabadda iyo Xasilloonida gobolka, isaga oo sheegay in dedaallada Nabadda, xasiloonida iyo dib-u-heshiisiinta iyo u-samo-falka bulshada Somaliland ay tahay muhimadda iyo mudnaanta koowaad ee Xukuumada WADAJIR iyo WAX-QABAD ee uu Gadh-wadeenka ka yahay. Mudane Antoine Grand, Madaxa ICRC Somaliland /Somalia ayaa Madaxweynaha ku hambalyeeyey guushii doorashadii Madaxtooyada isagoo Somaliland ku ammaanay hannaanka Dimuqraadiyada qaan-gaadhka ah ee Somaliland ka hirgalay. Masuulkan ayaa Madaxweynaha JSL ka siiyey war bixin guud oo ku saabsan taariikhdii iyo howlihii ay Hay'adda ICRC-da ka qabato Somaliland. Waxana uu si gaar ah u tibaaxay taageerada ay Hay'addani siiso Somaliland gaar ahaan xagga Xabsiyada iyo Caafimaadka iyo Daawooyinka. Mudane Grand waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay taageerada ay ICRC-du siiso Ururka Bisha Cas qaybtiisa Somaliland ee Goobaha muhiimka ah sida qeybta naafada (PRP), caafimaadka iyo soo celinta xidhiidhka qoysaska ay colaaduhu kala kexeeyeen. Mudane Antoine Grand waxa uu Xukuumadda Somaliland uga mahadceliyey sida ay ula shaqaynayaan Hay'adiisa, iyo taabo gelinta hawlaha ka socda Somaliland. Agaasimaha Fulinta ee SRCS qaybta Somaliland Mudane Axmed Cabdi Bakal ayaa isagu dhinaciisa Madaxweynaha JSL war bixin qoto dheer ka siiyey hawlaha ballaadhan ee Hay'adda Ururka Bisha Cas ka fuliso guud ahaanba lixda Gobol ee Somaliland. Wuxuu sidoo kale sheegay iskaashiga adag ee ay la leedahay ICRC (Ururka Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas) iyo Ururada Bisha Cas, iyo sidoo kale taageerada ay ka heleen Laanqayraha Cas ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Finland, Germany iyo Norway. Kulankan ayaa ku soo gebageboobey is-af-garad iyo in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya ICRC-da, SRCS iyo Xukuumadda Somaliland si wax looga qabto baahiyaha bani'aadanimo ee haatan ka jira. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
0
0
4
WAR SAXAAFADEED ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ #๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐. Hargeysa - 04-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay weheliyaan Wasiirka Madaxtooyada, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Guddida Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Madaxweynuhu dhawaan magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu Guddida Nabadda ee JSL u sheegay in ujeedada iyaga loo aasaasay ay tahay in ay abuuraan jawi nabadayn ah oo ku saleysan wada-xaajood, isfaham, iyo ka qeyb-gal bulsho si Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan Gobollada dalka uu u hanto nabad iyo xasillooni waarta. Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Guddida Nabadda u sheegay in ay leeyihiin Shaqsiyad Qaanuuni ah oo u xil saaran horumarinta nabadda, xasiloonida iyo ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Guddida Nabadda u sheegay in samayntii Guddida Nabaddu ay yeelatay saamayn weyn oo heer Caalami ah, maadaama ay yihiin Odayaal Qaran oo magac iyo maamuusba ku leh bulshada Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu Guddida Nabadda u sheegay in ay yihiin kuwa laga sugayo in ay hormmood ka noqdaan dedaalada ay Xukuumadda JSL ugu jirto nabadynta, xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta bulshadeena, gaar ahaan degaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku. Madaxweynuhu wuxuu Guddida Nabadda u sheegay in Xukuumadiisu arrin iyo adduunba aanay Guddida waxba ka hagran doonin si ay awood buuxda ugu yeeshaan fududeynta wada-hadallada nabadda iyo abuuridda fagaarayaal iyo jawi wada xaajood si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida bulshada loogana hortago khilaafyada iyo colaadaha deegaannada Jamhuuriyadda Somaliland; Guddida Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland iyaguna dhinacooda waxay Madaxweynaha uga xog warameen dedaalladii iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Guddi ahaan qaadeen si loo bilaabo gogol xaadhka wada-hadallada nabadda dhinacyada ay khusayso, gaar ahaan hoggaannada dhaqanka ka soo jeeda degaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku. Guddida Nabadda JSL waxay Madaxweynaha u xaqiijiyeen in ay Guddi ahaan sii labanlaabi doonaan gudashada xilka culus ee uu Madaxweynuhu u igmadey, gaar ahaan qabashada, fududeynta iyo ka-midho-dhalinta shirarka nabadaynta iyo wada xaajooodyada bulshooyinka ay colaaduhu saameeyeen. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
0
0
10
#MichaelRubin oo ka tirsan machadka American Enterprise, ayaa warbixin kaga hadlay haddii @realDonaldTrump uu booqdo #Somaliland kadib socdaalkiisa Saudi Carabiya ay fursad weyn u noqonayso #Maraykanka. Warbixinta Micheal Rubin oo ay soo turjuntay wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa sheegay in Madaxweyne Trump ay u wanaagsan tahay inuu booqdo Somaliland oo uu ku tilmaamay mid si weyn uga dhex muuqata Afrika. Warbixintu waxa ay xustay in muddo xileedkii hore ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ammaanay iskaashiga Taiwan ay la samaysay Somaliland. Tan iyo waqtigaasna xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan wuu sii xoogaysanayay uun ayaanba ayaanta ka dambaysa. Mr. Rubin ayaa intaas ku daray in sababaha kale ee mudnaanta siinaya Somaliland ay tahay in Somaliland la kulantay burbur laxaadleh oo ay gaadhsiisay dawladdii macangaga ahayd ee Siyaad Barre sideetameeyadii. Xagga beesha caalamku ay ballaayiin dollar siinaysay Somalia, waxase uu ku dooday in dawladihii u kala dambeeyay Soomaaliya ay u janjeedhsadeen dhinaca shiinaha. Mr. Rubin ayaa sheegay taas beddelkeeda in aanay Simaliland caalamka ka helin wax taageero dhaqaale ah, isla markaana aan la aqoonsan weli. Mr. Rubin wuxuu iftiimiyay waxa ay horumarka ku gaadhay Somaliland aanay ahayn maaha deeqo dibadeed, haseyeeshee dadkeedu yihiin qaar hal abuur leh oo soo dhaweynaya ganacsiga xorta ah. Waxa kaloo uu tilmaamay inay Somaliland ku faanayso dekedda Berbera oo Baanka adduunku ku tilmaamay ta ugu horraysa dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika. Micheal Rubin wuxuu sheegay in Somaliland keligeed ay ka hortagtay in argagixisadu gabood ka dhigtaan, iyadoon haddana aanay xidhiidh adag la samaynin dalalka dagaalka kula jira argagixisadu. "Qurbojoogta Somaliland ee Maraykanka ee sida aadka ah u jooga Columbus, Washington, Atlanta waxay waxtar weyn ay geliyaan dhaqaalaha Maraykanka. Waxaana muwaadiniintaasi ka yimi Somaliland ay boosas muhiim ah ka hayaan shirkadaha Starbucks, dhinaca tacliinta iyo caafimaadka," ayuu yidhi Mr. Rubin. Waxa kaloo Mr. Rubin si kooban waxa carabka ku dhuftsy in Somaliland ay tahay dalka kaliya ee Africa ugu sareeya ee leh isku filnaanshiiyo amni iyo isla xisaabtanka uu had iyo jeer uu ku khudbadeeyo Donald Trump. Micheal Rubin wuxuu ku dooday in Madaxweyne Trump oo booqda Somaliland ay ku qaadanayso 90 daqiiqo marka uu ka soo duulo magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ilaa Berbera. Waxaanu caddeeyay inay safarkaasi noqonayo mid jBinaya darbi weyn, maadaama oo sida uu tiomaamay muddo dheer wasaaradda Arrimaha dibaddu masaalixda Maraykanka ay ka horreysiin jirtay Soomaaliya.
13
24
114
WAR SAXAAFADEED ๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐
๐๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฆ๐ ๐ผ๐ผ ๐ซ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐๐ธ๐ถ๐ถ๐๐ฎ ๐ธ๐ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ถ๐น๐ฎ๐ ๐๐ฟ๐ด๐ฎ๐๐ด๐ฎ ๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ต ๐ฒ๐ฒ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ถ๐ป๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐๐ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ถ๐น๐๐ฎ๐ป ๐ก๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ซ๐ฎ๐น๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ธ๐ต๐ถ๐น๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ธ๐ฎ ๐๐ณ๐ฟ๐ถ๐ธ๐ฎ Hargeysa - 03-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Finland. Weftigaasi waxa hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed). Weftiga waxa kale oo ka mid ahaa Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Finland u qaabilsan Bariga Afrika iyo dalalka Afrikada Koonfureed (Mr. Jukka Pajerinen). Hadallo soo dhaweyn ah iyo mahad-naq khuseeya kaalmada ay Finland u fidiso Somaliland xagga horumarka ka dib, Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal khibrad iyo waayo-aragnimo u leh Xallinta khilaafaadka iyo dhismaha Nabadda muddo ka badan 34 sano, haatana ay Somaliland diyaar u tahay in ay cid kasta kala shaqayso Arrimaha Nabada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaana Degmada Ceerigaabo iyo bariga Gobolka Sool. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga u sheegay in maalintii xilka loo dhaariyey (12.12.2024) uu ku baaqay Gogol Nabadeed oo aan Shuruud lahayn, welina ay Xukuumadda Somaliland ka go'an tahay in xal waara iyo is-afgarad lagu soo af-jaro shaqaaqooyinka haatan taagan. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal lagu yaqaano nabad, xasilooni, dimuqraadiyad, sarraynta sharciga iyo dhawrida Xuquuqaha Aadamaha. Sidoo kale, in Xukuumadda Somaliland aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse anaga (Somaliland) lagu soo qaaday duullimaad caadifadaysan taasoo Xukumadiisa yagleelka ah lagu bilaabay dagaal 2 cisho ka dib markii uu xilka la wareegay (14.12.2024 /Ceerigaabo). Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland diyaar u tahay in ay Beesha Caalamka kala shaqayso dhinacyo badan, gaar ahaan Iskaashiga iyo ka wada shaqaynta Amniga iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland ka codsadey in Finland ka taageerto Somaliland tayaynta iyo dib-u-habaynta adeegyada lagama maarmaanka u ah baahiyaha bulshada JSL, sida adeega Caafimaadka, Waxbarashada Sare iyo Casryeynta Nidaamka Cashuuraha, maadaama dalka Finland uu yahay dalka ugu horreeya Caalamka adeegyadan. Weftiga uu hoggaaminayay Ergayga Gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed) ayaa iyaguna dhinacooda Jam. Somaliland ku ammaanay doorashooyinkii dayaaqadii 2024-kii ka dhacay Somaliland, dimuqraadiyadda qaan gaadhka ah ee ka hana-qaaday Somaliland iyo sida ilbaxnumada leh ee loola kala wareegay. Ergayga Nabadda ee Finland waxa kale oo uu Madaxweynaha ku bogaadiyey aasaaska Guddida Nabadda oo M/weynuhu dhawaan magacaabay, isagoo sheegay in arrinkaa dalkiisa aad looga soo dhaweeyey, diyaarna ay u yihiin in Guddida Nabadda la gacan qabto. Ergaygu wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu Somaliland kala shaqeeyo xagga nabadda iyo dhex-dhexaadinta shaqaaqooyinka ka jira Bariga Gobolka Sool iyo Ceerigaabo. Sidoo kale, Ergayga Nabadda ee Finland wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in ay Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha xagga horumarka, dawlad wanaaga, tayeynta adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, adeegyada caddaalada iyo xabsiyada, iwm. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
4
6
37
The President of the Republic of #Somaliland Holds a Meeting with Director Generals, Providing Key Directives Hargeisa โ 3 February 2025 โ The President of the Republic of Somaliland, Mr. Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro), held a key meeting at the Presidential Palace with the newly appointed Director Generals of various government institutions. The meeting aimed to outline the governmentโs priority tasks under the guiding principles of Wada-jir (Unity) and Wax-qabad (Performance). The Director Generals, who play a crucial role in implementing government policies and ensuring the delivery of effective public services, were reminded of their critical responsibilities. The President was accompanied by the Ministers of the Presidency and Religious Affairs and Endowments. In his remarks, President Irro highlighted the duties and accountability expected from the Director Generals, emphasizing their role in driving the governmentโs developmental agenda. He stated: โA Director General is responsible for implementing the governmentโs policies and strategic plans under Wada-jir and Wax-qabad. This reflects the weight of your responsibility โ your performance is key to the governmentโs success or failure in meeting its commitments and goals.โ The President instructed the Director Generals to conduct regular oversight of their ministries and agencies, ensuring that their activities align with government policies, plans, and campaign promises. He stressed: โYour role is not limited to managing the daily operations of your ministry. You must also ensure that the ministryโs work and services fully align with the governmentโs strategic objectives.โ President Irro urged the Director Generals to keep up with the rapidly changing global landscape and embrace innovation. He added: โTo stay efficient, we must adapt to the fast-changing world. A Director General must be innovative and continuously improve modern work processes.โ The President concluded by emphasizing the importance of accountability and assured that he would personally monitor each ministryโs progress: โAs President, I will closely follow the performance of every ministry, and accountability will be key.โ Additionally, important speeches were delivered by the Chairman of the Civil Service Commission, the Director General of the Ministry of the Presidency, and the Director General of the Ministry of Water Resources Development, who also serves as the Chairman of the Director Generals. Hussein Adan Egeh (Deyr) Presidential Spokesperson for the Republic of Somaliland
3
5
34
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ #๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐, ๐๐๐ซ๐๐๐๐ซ๐๐ง๐จ ๐ฆ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก๐ง๐ ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐๐ฒ Hargeysa - 03-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Agaasimayaasha Guud ee Hayโadaha Dawladda, kuwaasoo uu Madaxweynuhu dhawaan u magacaabay xilal. Kulankan oo uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha guud oo ay ka qaybgaleen dhammaanba Agaasimayaasha Guud ee magacaabani, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii loo dul istaagi lahaa, hoostana looga xarriiqi lahaa hawlaha mudnaanta u leh Xukuumadda ๐๐๐๐-๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐๐๐๐, maaddaama oo ay Agaasimayaasha Guud Tiir-dhexaad u yihiin fulinta siyaasadda Xukuumadda ee la xidhiidha in bulshada Somaliland adeeg hufan. Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Madaxtooyada iyo Diinta iyo Awqaafta. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankaas ka hadlay ayaa sharraxay masuuliyadda iyo waajibaadka saaran Agaasimayaasha Guud iyo doorka lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin fulinta hawlaha mudnaanta u leh harumarinka Qaranka JSL, ayaa waxa uu yidhi: โAgaasimaha guud waxa uu ka masuul yahay fulinta siyaasadaha iyo qorshayaasha Xukuumadda ๐๐๐๐๐๐๐ & ๐๐๐-๐๐๐๐๐. Taasi waxa ay muujinaysaa culayska masโuuliyadda idin saaran, waxa ay fure u tahay guusha ama guuldarrada ay xukuumaddu ka gaadhi karto, fulinta ballanqaadyadeeda iyo gaadhista yoolasha u dejisan.โ Madaxweynuhu waxa uu Agaasimayaasha Guud faraqa u sudhay dardaaran muhiim ah, waxana uu faray inay hubin joogta ah ku sameeyaan shaqada Wasaaradahooda iyo Hayโadahooda ka socotaa inay waafaqsan tahay qorshihii, siyaasaddii iyo ballanqaadyadii ay Xukuumadda haatan talada haysaa ay ku gashay xilligii Ololaha Doorashooyinka, waxana uu yidhi: โ Waa in Agaasimuhu uu si xilkasnimo leh oo buuxda u qaato masโuuliyadda shaqo ee saaran. Xilka la idiin igmaday maaha shaqo maalmeedka wasaaradda oo keliya. Balse waxaa ka mid ah inaad hubisaan in waxqabadka iyo adeegga ay Wasaaraddu bixisaa uu waafaqsan yahay siyaasaddii iyo qorshihi Xukuumadda.โ Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Agaasimayaasha Guud faray inay la jaanqaadaan isbedbeddelka xawaaraha ku socda ee dunida ka socda fahamkoodana kobciyaan, waxana uu yidhi: โSi ay shaqada u fududaato, waa in aynnu la jaan-qaadno dunidan isbeddelkeedu xawaaraha ku socdo, waa in Agaasimuhu noqdaa shakhsi curin leh oo si joogto ah u sii kobciyaa hannaanka casriga ah ee shaqada.โ Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu xusay inuu si dhaw ula socon doono shaqooyinka ka socda Wasaaraha kala duwan ee ay Agaasimayaashu masuulka ka yihiin, shaqadooduna nodon doonto mid xisaabtan leh, waxana uu yidhi: โAniguna Madaxweyne ahaan waxa aan si dhow ula socon doonnaa horusocodka shaqada wasaarad kasta, taas ayaana la idinkula xisaabtami doonaa.โ Dhinaca kale, kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha Guud waxa hadallo nuxur leh ka soo jeediyey Guddoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha oo isagu ah Guddoomiyaha Agaasimayaasha Guud ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
1
1
7