Hussein Sabrie Profile Banner
Hussein Sabrie Profile
Hussein Sabrie

@HusseinSabrie

Followers
79,596
Following
942
Media
915
Statuses
5,680

Nomad. Techie. Lecturer. CCO at @SomaliREN . Freelance Storyteller at @BBCSomali . Somali human interest stories fanatic.

Mogadishu, Somalia
Joined February 2011
Don't wanna be here? Send us removal request.
Explore trending content on Musk Viewer
Pinned Tweet
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
How it started vs How it's going.
Tweet media one
Tweet media two
797
8K
79K
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
6 years
This is the Mogadishu University's main campus, which locates the far north of Mogadishu. A decade ago, the Ethiopian troops set up camp in the university campus, but as peace returns to the capital, now it is a center for shaping our students minds towards a better future.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
81
417
2K
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Saakay anigoo iskaabulo ah ayuu waagu ii beryay, wuxuuna hadda gabbalku ii dhacay anigoo xaasle ah. Waa nolol cusub iyo masuuliyad culus oo ku soo kordhay halgankeyga nololeed. Allahayow iigu kaalmey in uu go’aankaasi miradhalo, oo iiga dhig mid aan mahdiyo adduun iyo aakhiro.
Tweet media one
361
60
1K
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Walaalkey @AbdurahmnSabrie wuxuu semester 6 ka dhigtaa kulyadda Beeraha ee jaamacadda Umadda. Markii Coronavirus loo xiray diyaaradaha ee suuqa laga waayay Yaano-Simirsaan oo Kenya & Itoobiya laga keeno ayuu ku fikiray in uu Deyniile ku beero, waxaana shalay ka soo go'day 209kg🙏
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
99
195
1K
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
UK oo ay Master ka soo qaadatay ayay 30 sano ku nooleyd. Dalka ayay ku soo laabatay, waxayna degtay baadiyaha Xamar. Halkan oo ay aqal ka dhisatay ayay xoolo ku dhaqataa, beerana ka tacbatay. Buuqa magaalada ayay ka baxday, nolosha Miyiga oo ay iyadu dooratay ayay ku raaxeysataa!
Tweet media one
80
99
909
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Kadib sanado badan oo @HassanSabriee maamul ka ahaa warshad Coffee oo ku taalla Kenya ayuu Muqdisho ku soo laabtay 2019, si uu uga furo Coffee Shop heer caalami ah. Halgan dheer kadib, caawa waa xafladda furitaanka @LaasCoffee oo ku dheggan xarunta Premier Bank, isgoyska Taleex.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
113
102
723
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
6 sano xaaskiisu carruur uma dhalin. Nus boos uu hanti ka lahaa ayuu iibiyay si ay isugu soo daweeyaan. Marki fiisihii la dalbay ayaa hooyadiis istarook ku dhuftay. Lacagtii ay isku daweyn rabeen hooyadiis ayuu ka daweeyay. Hadda hooyadiis waa socotaa, xaaskuna uur ayay leedahay.
69
71
693
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Arday ayaa xafiis noogu yimid. Markuu baxay ayaa maamuluhu igu yiri: ardaygaan ka warran? Waxaana u sheegay in uu dadaalayo. Asuu yiri “sanadkan ayaan ogaannay in uu agoon yahay oo tareedisho ka soo lugeeyo. Hadda waxbarashada free ayaan uga dhignay, hebel ayaana tirisboor siiyo”
86
82
670
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Gabadheyda, Rayaan Cusmaan Cabdullaahi waa curadda walaashey Jamiila. Dhowaan ayay Quraanka dhameysay, galabta ayaana Pizza House ugu dhignay xaflad hambalyo iyo bogaadin ah. Waxaa in badan ku mahadsan Alle, iyo macallinkeenna Jaylaani Shiikh oo Rataan Quraanka ku barbaariyay.
Tweet media one
69
35
637
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Bajaajtiisa ayaan iPhone 12 uga dhex tagnay. Markaan guriga galnay ayuu saaxiibkey ogaaday in mobile ka maqan yahay. Mana heli karin lambarkiisa oo mobileka maqan ayuu lacagta uga diray. Cabbaar ka dib ayuu bajaajle Cabdikarim Axmed iridda soo garaacay isagoo moobeelkii noo wado!
Tweet media one
73
56
623
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
"Shalay oo aan tabar hayay talo ma heyn, maanta oo aan talo hayana tabar ma hayo!” Xasan Cali kheyrre
Tweet media one
49
63
595
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
"Xaaskeygii waan furay, waayo miskiin aan cadkeeda dhacsan karin ayay aheed, waxaana ka baqay in aan cuqubo ka galo, mana rabin in ay ii dhasho carruur sidii iyada oo kale miskiin ah" ayuu yiri Miskiin aan garaneyn qiimaha gabadhaas ayaan u fahmay, lambarkeeda ayaana ka qortay.
225
36
591
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Waa awoowgey Cabdi Faracadde. 1925 ayuu Ceelbuur ku dhashay. 1940s ayuu yimid, dugsina ka galay Xamar oo uu ruxayo kacdoonkii SYL, kadibna Ceelbuur ayuu u batay. Xusuustiisu waa juusto. Hadda oo uu 95 jir yahay ayuu ii wariyaa waayihiisii. Quraanka ayaana ah saaxiibkiisa koobaad.
Tweet media one
70
40
586
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Ma aragtaa qof markii aad iskuulka ama jaamacadda isla dhiganayseen kaa dadaal badnaa oo nolosha ka dhacay?! Mid markii aad xaafadda ku wada korayseen kaa karti badnaa oo ay duruufaha noloshu dibriyeen?! Halka aad maanta joogto kartidaada kaliya kuma gaarin ee waa waafajin Alle.
42
64
591
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Nin aan dhul marin dhaayo ma laha. Waa maqaal aan 2018 maanta oo kale ka qoray safar aan kusoo maray caalamka iyo layaabkii aan kusoo arkay. Safarkan waxaan ku tegay 🇷🇼🇪🇬🇸🇦🇹🇷🇪🇸🇫🇷🇦🇹🇩🇰🇳🇴🇬🇧🇦🇺🇲🇾🇸🇬🇨🇳🇰🇵🇯🇵🇺🇸🇧🇷. Ku raaxeyso haddii aad xiiseyso safarka & dalxiiska.
Tweet media one
49
45
571
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Markii aan hooyo Luuley u tagnay ayay farxad kula dul oysay @CabdiwahabAhmed oo har iyo habeen garabtaagnaa. Muuqaalkaan waxaan ka duubay hooyo Luuley iyo Cabdiwahaab oo farxad la oynaya. Aan ka farxinno danyarta, oo aan makaroofan u noqonno dulmanayaasha aan codkooda la maqlin.
43
117
556
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Gabdhaheennu sida ay u asturanyihiin marka ay iskuullada dhameynayaan, uma wada asturna marka ay jaamacadaha dhameynayaan. Aqoonta, shaqada iyo ilbaxnimadu ma aha in ay kaa fogeeyaan diintaada iyo dhaqankaada suubban. Horumar sameey adiga oo diintaada iyo dhaqankaada ku dheggan.
100
91
545
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Gabadhiisa ayaa weydiisatay $10, wuxuuna u diray $20. Waxay weydiisay sababta, wuxuuna ugu jawaabay "Aabbe waxaan ogahay in aad $10 i soo weydiisay si aad ugu xallisato baahi hadda taagan, marka waxaan kuu diidayaa in jeebkaadu marnaado, ee uu nin xun baahida kaaga faa'iideysto"!
47
85
539
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
28 sano ayaa laga joogaa maalinkii James Nachtwey uu duleedka Baardheere sawirkan uga qaaday hooyo Soomaaliyed oo raadinaysa meel ay ku aasto cunuggeeda oo gaajo u dhintay. Iyadiina daqiiqado kadib ayay baahi u dhimatay. 28 kadib, maanta aan ka fogaanno sabibihii silacaas keenay.
Tweet media one
71
82
488
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Alle mahaddii Hooyo Luuley maanta ayaa wiilkeedii looga soo daayay xabsiga, waxaana iyadoo faraxsan ugu tagnay kaamka ay nooshahay. Aan mar kale u gurmanno, oo lambarkeeda ay gacanta ku haystato oo ah 0619572570 ugu dirno wixii aan awoodno, si ay uga baxdo duruufta ay ku jirto.
Tweet media one
36
103
497
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
It was 2011 when my mother sent him from the rural to pursue his primary education in Mogadishu. After a decade, today he is running his own farm which he established in Deynile last year using modern farming technologies. I applaud your efforts, @AbdurahmnSabrie . Keep going bro.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
32
47
470
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
2 years
Kaddib sanado badan oo uu maamule ka ahaa warshad Coffee oo ku taalla Kenya, ayuu walaalkey @HassanSabriee Muqdisho ku soo laabtay 2019kii, si uu ganacsi uga hirgeliyo. Wuxuuna 2020kii furay @LaasCoffee . Caawana wuxuu daahfurayaa @Arbe_Cafe oo si qurux badan loo naqshadeeyay.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
51
55
471
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
“Inta doqon fariid yahay Darajana qabiil tahay Dabbaalkuna waxgarad yahay Dambiilana garsoor yahay Dulmina xaqa ka mudan yahay Dib-u-socod Kacaan yahay Dablena janan ka adag yahay In aan tiriyo deelley Dareenkeygu ma ogola” Cabdulle Raage Taraawiil, 1980s. Shalay maanta u ekaa!
Tweet media one
37
111
468
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Waa farriintii iigu qiimaha iyo farxadda badneyd ee maalmahaas i soo gaartay. $50 oo wax kasta iiga qiima badan ayay aheyd. Waxaan sinnaba u sarrifi karin qalbigii ay ka soo go’day iyo dareenkii ku dhaliyay inuu farriintaas ii soo diro. Ilaahey garashada & aqoonta ha u barakeeyo.
Tweet media one
61
39
459
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Yaa salaam. Igula jimceyso codka macaan ee fuundi Quraanka ka aqrinaya luuq qurux badan🙏
35
83
466
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
2 years
Just got a congratulatory message from Twitter, which states "You’re now verified. With this badge comes great responsibility". Thank you Twitter.
Tweet media one
97
37
450
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Waxaan ka helay dadnimadiisa iyo dhiirranaantiisa, waxaanse walwal badan ka qabaa in qof damiirkaan iyo wacyigaan leh uu xil ka sii heyn karo dal ay madaxdu nacamleyn iyo dadnimaxumo qofka ku xulato. Hiiraan way nasiib badan tahay inta ay maayorkaan heysato. Guuleyso guddoomiye🙏
70
89
453
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Waa gabar yar. Waxay wareejinaysay oo madaxa ku sidatay sisin ay halkii xabbo iibiso kun shilin. Iyadoo ka cararaysa bajaaj xawli ka socoto ayaa sisintii ka daadatay. Inta sisintii eegtay ayay ooyin la dhacday. Qof ku soo leexday ayaa u diray $10, waxayna baxday iyadoo faraxsan.
Tweet media one
63
58
440
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Waa wiil yar, wuxuu iila yimid gesac, wuxuuna codsaday in aan luujito iyo buraash u iibiyo, qofki ugu horreeyay ee uu u adeego ayaana noqday, waxaana ku balannay inuu gelin shaqeysto, gelinna waxbarto. Danyarta in aan shaqo ku taageerno ayaa uga fiican in aan tuugsi ku kaalmeyno.
Tweet media one
52
58
437
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Ganacsatada Raxanweyn Ilaahey xoolahooda ha u barakeeyo. Waa raggii Xamar oo wax kasta qaali ka yihiin noo keenay shaati $1 ah. Danyarta ayay u daneeyeen. Maanta aniga oo Bakaaro dhex maraya ayaan maqlay ‘harraash iyo hoolo jaban.” Inta ku leexday ayaan bacmadoow soo buuxsaday.
46
27
423
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Wiil 8 jir ah oo KM4 kabo iigu caseeyay ayaan sheekeysannay. Wuxuu ii sheegay in laga soo celiyay iridda garoonka oo gudihiisa kabaha looga caseeyo $1 ilaa $2, loona fasaxay 3 wiil oo qaraabo la ah qaar ka mid ah waardiyaha garoonka. Musuq & caddaaladdaro aysan kaamiradu qabanin.
64
60
428
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
2 years
Somalia before and after the leadership of Farmaajo.
Tweet media one
Tweet media two
103
49
413
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Wiil ka shaqeeya hoteel garoonka u dhow ayaa ii sheegay in rag madax ah ay hoteelka geystaan gabdho yar yar. Kufsi kama duwana masuul baahida uga faa’iideystay gabar yar oo noloshu bilow u tahay, xilka uu qaranka u hayana jaranjar uga dhigtay in uu dhaawaco sharafta gabdhaheenna.
84
69
419
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Intii Farmaajo joogay, Muqdisho waxaan ooyin ku soo galay dhalinyaro Hargeysa ka timid oo caayaysa Somaliland. Intaas kuma ekaan ee waxay maanta u gefaan dadkaan ay martida u yihiin. Hargeysa iyo Muqdisho dakano ayay ka galeen, ee aan aragno halka ay ku dambeeyaan Farmaajo kadib.
236
41
403
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
50K followers! I know you follow me for a reason, and I’m sorry if my tweets don't meet your expectations. Thank you guys.
Tweet media one
44
19
401
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
"Nin islaan baa iga dhigtay. Reerka iyadaa iga kaafisay, anna idinka ayaan idiin muxaadareeyaa, ee ma aragteen haddii aysan iga dambeyn. Nin kasta oo weyn gabar weyn baa ka dambeysa. Wacdigaan aad igu amaantaan ma jireen haddii aysan islaan kheyr qabto ah iga dambeyn" Sh. Mustafa
Tweet media one
30
60
394
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Soomaalida Twitter joogto waa cajiib. Waxaan arkay arday jaamacaded oo bio-ga ku qortay in uu yahay khabiir maaliyadeed, mid hadda qalinjebiyay oo sheeganaya cilmibaare sare iyo mid aan quutulyoomkiisa heysan oo qortay in uu yahay aqoonyahan ka faallooda siyaasadda Geeska Afrika.
79
46
395
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Gabar yar oo naga xanuunsan ayaa waxaan carruurtii Dugsiga la dhiganaysay ka codsannay in ay dugsiga ku Quraansaaraan . Kaddibna lacag yar ayaan u qaybinnay, Dugsigana waa loo fasaxay. Hadda gabadhii way caafimaadday. Alle mahaddiis. Carruurtu waxay leeyihiin qalbiyo nadiif ah.
21
28
392
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
2 years
Tobaneeye sano kahor ayaan UK isku barannay. Waxay igala weyn tahay malaayiin nin oo gar iyo shaarbo leh. Waxaan u hayaa jaceyl iyo qaddarin, waana ku faanayaa in aan wadaagno isirka Soomaalinnada. Wayna is casishay markii ay aragtay badweynta wasakheysan.
Tweet media one
20
49
395
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Cabdalla Baazi waa 13 jir fariid ah oo aan deris nahay. Waxaan ka warsaday riyadiisa, wuxuuna ii sheegay in uu jeclaan lahaa in uu ka shaqeeyo Astaan Ubad. Maamulka Astaan ayaan ku xiray, wuxuuna hadda ka jeediyaa barnaamijyo la hadlaya garaadka carruurta.
Tweet media one
9
29
386
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Marka adigoo Muqdisho waligaa ku noolaa oo marba xaafad u qixi jiray aad aragto mid diyaasbaro ah oo 2002 dalka ka tahriibay ee Yurub darawal ku ahaan jiray oo maanta dhahaya: waxaan dibadda uga soo laabtay in aan dalkeyga iyo dadkeyga badbaadiyo.
Tweet media one
69
48
385
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Waxaan is weydiin jiray sababta ay Puntland ku diidday tahay inay ardaydeedu galaan imtixaanka Dowladda, balse maanta ayaan fahmay. Bogaadin ayay reer Puntland ku mudan yihiin in ay imtixaankaan diideen, raalligelin ayayna ka mudan yihiin qof kasta oo sababtaas ku dhaliilsanaa🎊
Tweet media one
103
66
380
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
This is a living example how #Somalia is recovering. It’s the Mogadishu University's main campus in a suburb of Mogadishu. A decade ago, Ethiopian troops set up a camp here. But as peace returns to the capital, today it’s a hub for educating our students towards a better future.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
11
61
377
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
On Oct 21, 2011 when Mogadishu was the battlefield, 70+ Burundian soldiers were killed in Daynile, per @nytimes . 8 years later, now #Daynile is a green district where #Mogadishu people go for weekend tour. It's a living example of how speedy #Somalia is recovering. Alhamdulillah.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
19
78
378
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Isbital ayaan maanta gabar yar geeyay. Soo dhoweynta, Emergencyga, baaritaanka, natiijada & daweyntaba gabdho ayaa noogu adeegay. Waxaan ka helay aqoontooda, kartidooda & hawlkarnimadooda. Gabadhii waxaan guriga ku celiyay iyadoo qosleyso. Gabdhaheenna waxbartayow salaan gobeed🙋‍♂️
Tweet media one
31
44
381
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Hoteel ayay 2 koob oo shaah ah uga cabeen $4. Caseeyaha Masjidka hoteelka ayaa ka codsaday in uu kabaha u caseeyo. Midkood ayaa ku yiri: labadeenna noogu caseey 3 kun(waxaa lagu caseeyaa 4 kun). Shaahii $4 ahaa ma gorgorin, balse 4tii kun ee caseeyaha kun shilin ayay kala hareen.
40
46
376
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
The other side of Mogadishu which the media don't cover. Dear world, please don't judge Somalia on the terror photos of the selective media coverage, because the other part of the story is untold. Let us change that narrative, and cover the untold green side. #Mogadishu #Somalia
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
18
86
356
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Wiilka curashadiisa fool ayaa ka horreyso. Ikraan Cabdullaahi Ciise waligeed kama bixin Soomaaliya, waxayna ku hadashaa saddex luqadood. Karti iyo dhiirranaan ah ayaan Ikraan ku aqaannaa. Dumarku waa insaan awood badan. Guuleyso oo riyadaadu ha kuu rumoowdo Ikraan, Alle idankii.
30
55
365
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Anigoo yar ayay aabbe iyo hooyo kala tageen, aabbe ayaana eeddo ii geeyay. Anigoo 9 jir ah ayaan ari raacay, 12 neef ayaana iga luntay. Geed la igu xiray, sidaas ayaana ku naafoobay. Jaamacad ayaan dhigtaa. Dar Alle ayaana u cafiyay dadkii i cuuryaamiyay.
Tweet media one
25
46
359
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Abaal aan duugoobeyn ayuu ku leeyahay waxbarashada dalka oo ku jiro muddo nus qarni ku dhow. 1978 ayuu macallin noqday, waxayna dowladdii dhacday isagoo bare ka ah Lafoole. Kadibna Imaamu Shaafici, SIMAD, Banadir & Jazeera ayuu maamul & macallin ka noqday.
Tweet media one
31
53
356
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Mayor Sadiq Khan, Duqa magaalada London oo dhawr tuduc ka soo xiganaya maansada Sirta Nolosha ee abwaan Hardaawi curiyay 1986. "Garashiyo sugnaan hoyso Falka sami ha kuu raaco Mana jiro sed kaa baaqday Ilbaxnimadu saas weeye, Sirta noloshu taas weeye"
11
107
361
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Waa @Ibrahimnolosha oo u fadhiya final examka jaamacadda Camuud oo uu ka bartay Daraasadaha Horumarka. Waa qof isi sameeyay. Isagoo arday ah ayuu Keydka Qaranka ku biiriyay suugaan culus, maantana waxaan rajeynayaa in uu aqoontiisa ugu adeego horumarka dalka. Hambalyo saaxiib✌️🎉
Tweet media one
52
22
361
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Horraantii bishaan ayaan xanuunsaday. Isbitaallo ayaan tegay, balse kuma caafimaadin. Jimcihi hore ayaa hooyo i tiri: dadkiinna waxbartay qofkii xanuunsado isbitaal ayuu ku ordaa, ee maa Quraanka isku daweysaan? Asbuuc ayaan is Quraansaaray, waana ku caafimaaday! Allaa mahad leh.
Tweet media one
32
34
355
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
20K qof ayaan maanta halkan deris ku nahay. Saaxiib ku mahadsanid inaad akhyaartaas ka mid tahay oo aan bartaan aragti ku wadaagno. Halkan cidna kuma matalo, kuma colaadiyo mana ku taageero, ee waxaan ku qoraa aragtidayda iyo faalladeyda. Taladaada ila wadaag. Mahadsanid saaxiib.
Tweet media one
84
12
346
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
“Arday baan ahayoo Ubixii wadankaan ahayoo Waxaan u ordayaa Dugsiyada u aadaa in aan aqoon kororsadoo Dalkayga anfacee Dadaalkiina la imidee Allahayow ii gargaar.”
Tweet media one
12
35
347
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
In macallimiinteenna dugsiyada kufsi lagu eedeeyo caddeyn la’aan waa magacdil, hal iyo labo xaaladna looma wada eedeyn karo. Lacnad Alle haku dhacdo nin kastoo gabdhaheenna kufsi kula dhiirrada, balse caadifaddu yeysan sababin inaan duullaan ku noqonno macallimiinteenna Quraanka.
61
38
339
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
“Caasi ayaan raacay. Markii aan ka degay ayaa kirishboygu i yiri: lacagta waa lagaa dhiibay. Yaa dhiibay ayaan iri, wuxuuna yiri: dadka dhan wiilkaas ayaa lacagta ka bixiyay. Wiilkii ayaan warsaday, wuxuuna yiri: 5 sano ka dib ayaa wiil ii dhashay. Alle mahaddii” @Ibraahimnolosha
26
37
336
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Garoob mincihiisu ma aha in ay heblaayo tahay qof xun oo aan lala noolaan karin, balse waxay muujineysaa inay tahay qof adag oo dooratay in aysan cimrigeeda la dhameysan nin aysan jaceyl iyo ixtiraam ku heysan, kadibna ka shaqeysay in la furo oo ay nasiibkeeda tijaabiso mar kale.
91
36
338
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
“Waxaa jirta walaashey oo sanadkaan Dugsi Sare ka baxday. Si aan baahida loogaga faa’iideysan ayaan bil kasta u siiyaa lacag ay baahiyaheeda ku daboolato. Saaxiib ayaan la ahay, waana la sheekeystaa, waxaana geliyaa kalsooni ay igu waydiisato wax kasta oo ay u baahato” @DhaqaneDK
39
48
334
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Kabaheygii ayaa maanta masjidka xaafadda la iiga xaday. Waxaana meeshii aan gashtay ugu imid warqad yar oo ay ku qoran tahay “Walaal kabahaadii aniga ayaa xaday, ee kabo kale gado. Mahadsanid.” Raadiskooda iskuma sii dhibin ee waan ka soo cagacaddeeyay.
111
28
335
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Yaa salaam. Igula jimceyso codka macaan ee gabdho Soomaaliyeed oo ku subcinaya gudaha masjidka Nabiga ee magaalada Madiina.
14
70
330
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Aroor kaste ayay u soo jarmaadeen nadiifinta laamiga, hadda oo ay barqo tahayna weli shaqadii ayay ku jiraan. Midkood ayaan wareystay waxayna ii sheegtay in lacagta yar oo ay shaqadan ka hesho ay ku koriso waxna ku barto 6 carruur ah oo uu aabahood uga dhintay. Hooyoy mahadsanid.
Tweet media one
26
53
333
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Ciid wanaagsan saaxiibbadeyda qiimaha badanoow. Eebbe ha i naga aqbalo acmaashii soonqaad. Waxaan nafteyda iyo tiinna u dardaarmayaa cabsida Alle, waxaana na wada xusuusinayaa in aan ka farxinno carruurta iyo dadka danyarta ah.
Tweet media one
30
13
331
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Mahad Maxamud waa wiil yar oo naafo ah. Wuxuu fasalka 7-aad ka dhigtaa iskuulka Maxamud Xarbi oo ku dhowaad 1KM ka fog xaafaddiisa. Kuma dhibtoodo in uu iskuulka aado ama ka yimaado, waayo wuxuu heestaa saaxiibbo u tartamaya kuna faraxsan in ay caawiyaan. Carruur iscaawineysa❣
Tweet media one
34
69
324
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Xaaskiisa ayay isqabteen, waxaana weydiiyay: maxaa isku heysaan xaaskaada? Wuxuuna ku jawaabay: ka sheekeyn maayo gurigeyga. Sanado kadib ayay kala tageen, waxaana la weydiiyay: maxaad isku qabateen xaaskaadii? Wuxuuna ku jawaabay: ka sheekeyn maayo wixii na dhex maray walaashey!
41
36
322
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Maqaayad ayuu ka shaqeeyay. Warato ayuu Bakaaro ka ahaa. Bajaajtiisi ayuu gaday si walaashiis loogu daweeyo. Premier bank ayuu waardiye & darawal ka noqday. Jaamacad ayuu hadda ka dhameeyay. Maamulka Premier ayaana u dhigay xaflad lagu dalacsiiyay. Halgan!
Tweet media one
21
31
323
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Mobile ayaa laga dhacay. Asxaabtiisu waxay ku dhaheen: maxaa u carari waysay? Maxaa ugula dhagi waysay? Aabbihiis wuxuu yiri: war adigoo nin weyn ah sidee ninku xoolahaada kaaga qaatay? Hooyadiisna waxay tiri: mobile waa la helaa ee waa Alle mahaddii haddii aad ka soo badbaadday.
37
24
330
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
"Markii aad dhimato, dadku kuuguma wici doonaan magacaada ee aaway meydkii, janaasada keena iyo aaska naga dedejiya ayay dhihi doonaan. Ee maanta haku kadsoomin qoyskaada, qabiilkaada, hantidaada iyo xilka aad heyso oo aad berri ka tegi doono, ee maanta geeri u sii diyaargaroow"!
32
58
325
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Aniga oo Liido la sawiran.
Tweet media one
20
5
322
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Wuxuu jeclaa danyarta oo uu saxan wax kula cunayay. Isagaa ariga caanaha ka lisanayay, kabahana tolanayay. Wuxuu tusaale noogu yahay sifo kasta oo fiican, wuxuuse kuwa Alladiidka ah kala kulmaa colaadin & naceyb. Haweeney culeys xambaarsan ayuu maalin arkay, wuuna ka qaaday. 1/2
Tweet media one
16
53
315
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Degmada Kaxda ayaan galabta Jimco wanaagsan idinka soo leeyahay. Nasiib wanaag, waxaan fursad u helnay in aan tagno xarun lagu sameeyo alaabta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida oo ay hooyooyin iskaashaday ku kala sameynayaan alaab kala duwan. Waa noloshii baadiyaha iyo Muqdisho.
14
81
317
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
"Adigoon cirka u bixin Ama boodin leexada Ama badaha waaweyn Nafta aan ku biimeyn Baariis adoon tegin Ama boon ka sheekeyn Barashada dalkaadaa Horta laga bogtaayoo Beryo la isku hawlaa" Baaq, Hadraawi, 1972. Maanta iyo casiryadeennii goofaha degmada Dayniile, Banaadir, Somalia.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
35
28
322
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Caawa ayaan fahmay sababta uu Rooble sidii qof Youtuber ah ugu celceliyo: soo dhowaada. Soo dhowaada. Walaalayaal soo dhowaada. Ma qof la shaqeeyo ninkii uu Siciid Deni ka sheekeeyay ayaa ku dhiirran kara hadal aan aheyn: soo dhowaada. Soo dhowaada. Walaalaheeyow soo dhowaada.
68
42
321
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Waa Barre Fiidow(Leento). Abwaankii curiyay riwaayadda kajoog adiga maahee iyo heeso ay ka mid yihiin kaska cad, asaaskii dunida iyo anigu dumar baan ahaa, ixtiraam gobaad, markaan da'da jiray 15 iyo Allahayow maxaa iga qabsaday. Isagoo odaydhaqameed ah ayuu ku noolyahay Daynile.
Tweet media one
30
33
314
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Isbarbardhig u samee hoggaaminta Dr. Waare oo wax ku soo bartay jaamacadda Indiana, USA, kana soo shaqeeyay ICRC, FAO, UNPD & World Bank iyo Qoorqoor oo ka baxay jaamacadda Waaya-arag. Malaha Qoorqoor wuxuu Waare ku leeyahay: "Cilmiga ha laguu dhigee Caqliga kaasho baa la yiri"
Tweet media one
69
29
314
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Wiil hawlkar ah oo aan wadashaqeyn jirnay ayaa dowladda galay. Kartidiisa lagama faa'iideysan oo shaqo looma dhiibin. Subixi ayuu galaa, inta isxaadiriyo ayuu soo tagaa, bishiina mushaar ayaa u soo dhaco! Kaligii ma ahee sidaas ayuu sistamka dowladdu u cuuryaamiyay dad waxgal ah.
55
38
314
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Daryeelka danyartu waa halbeeg lagu qiimeeyo dadnimada qofka. Waxaan la socday xaaladda Caaliya C/salaan oo ah 7 jir agoon ah oo qoorta ka jabtay, kadibna Turkiya loo qaaday. Waxaan mahdinayaa Xil. @HassansheikhAli oo u galay booskii aabbe, kana dabbaray $28,812 oo lagu daweeyay.
Tweet media one
32
56
310
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Waxaan galay xarunta shirkadda Hormuud ee Bakaaraha. Marka laga tago adeegyada ay bixiso, waxaa layaab ila noqotay inay shirkaddu xarunta ku dhex iibineyso malab. Tani waxay tusaale u tahay sida ay Hormuud u afduubeyso dhaqaalaha dalka, ayna suuqa uga saareyso ganacsatada yaryar.
63
50
307
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Waagii aan geeljiraha ahaa. June, 2010 iyo baadiyaha tuulada Dac ee hoos tagta degmada Ceelbuur.
Tweet media one
77
27
307
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
10 sano kadib waxaan maanta tegay Stadium Muqdisho. Si qurux badan ayaa loo dayactiray, waxaase maqnaa taageerayaashii xamaasadda u yeeli jiray ciyaarta. Xiiso gaar ah ayay ii laheed in aan arko isbartiibo oo saldhig u aheed ciidamo shisheeye oo ay dhalinyareennu ku ciyaarayaan✌
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
9
37
310
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Ninkeeda oo saakay shaqo-tegaya oo ka sii baxaya guriga ayay macsalaamaysay, waxayna ku tiri “Abboowe, Alle uga cabso lacagta aad noo soo shaqeyneyso, oo naga ilaali risqi xaaraan ah; waayo gaajo waan u sabri karnaa balse uma adkeysan karno kuleylka Naarta".
11
37
306
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Ninkii waasho ama laba fiilo istaabato waxaa la dhahaa: gabar ha lagu daro. Kii nolosha ka dhacana waxaa la dhahaa: gabar ha lagu daro. Dhaqankeennu wuxuu gabdhaheenna ka dhigay dhaqaatiir loo diro nimanka ay wax ka qaldan yihiin ee si kale wax looga qaban waayo. Caddaalad-darro!
77
26
308
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Waa dhalinyaro aan caawa maqribkii kula kulmay xaafadda Xararyaale, Wardhiigley. Cunto fudud oo nadaafaddeeda laga shaqeeyay ayay si free ah ugu afurinayaan dad badankood ka soo rawaxay Bakaaraha. Muqdisho, magaalo martigelineysa boqolaal sheeko oo warin mudan oo aan la sheegin.
Tweet media one
Tweet media two
35
30
299
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Iyagoo carruur ah ayaan 2013 Saynis ugu dhigay fasalka 5aad. 7 sano kadib ayaan maanta iskuulka ku booqday iyagoo maskaxda iyo muuqaba ka gaangaaray oo dhiganaya fasalka iskuulka ugu dambeeya, waxaana fursad u helay inaan talo ka siiyo xulashada takhasuska iyo waxbarashada sare❣️
Tweet media one
Tweet media two
28
25
302
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Saaxiibkey Xuseen Jey waa farsamayaqaanka ugu caansan Buulxuubey. Qolkan uu furtay 2007 ayuu ilmo & waalid ka biilaa, wuxuuna ka gatay 3 boos. "Shaqada u samir, macaamiisha ka ilaali been & khiyaano, waalidkana ka duceyso. Subixii shaqadan ma imaado anigoon hooyo soo marin" Xusen
Tweet media one
Tweet media two
11
30
303
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Waxaan aqriyay warbixin uu wariye Baliil ka qoray nin macallin dugsi sheegtay oo sheegay in uu gabar faraxumeeyay. Wariyuhu wuxuu baaritaan ku ogaaday in kiisku been yahay, ninkaanina uusan macallin aheyn. Waa mashruuc macallimiinta Quraanka lagu magacdilayo ee Soomaaliyey toos.
Tweet media one
64
79
300
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Mareykanku wuxuu maanta mamnuucay Tiktok oo uu ku eedeeyay in uu qatar ku yahay Amniga Qaranka. India iyaduna horay ayay u mamnuucday. TikTok oo ay dhalinyarteennu ku yaaceen wuxuu qatar ku yahay dhaqankeenna suubban, waxaana quman in ay dowladdeennu isha ku heyso saameyntiisa.
Tweet media one
38
47
301
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Filimaanta ugu badan guryaheenna laga daawado waa filimaan jaceyl ah oo aan dhiseyn maskaxda qofka daawanaya. Toloow maxaa shirkadaha af Soomaaliga u soo tarjumo u diidaya in ay noo soo xulaan filimaan wacyiga bulshadeenna dhisaya oo ay aqoon, ogaal iyo ilbaxnimo ka kororsadaan?!
36
35
302
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Carruur fasalka 4aad ah ayaan waydiiyay waxa uu mid kasta ku riyoonayo. Mid baa iigu jawaabay: waxaan jeclaa in aan madaxweyne noqdo, balse aabbe ayaa ii sheegay in aysan qabiilkeygu madaxweyne ka noqon karin Somaliya! Dal carruurtu kala xigto ayaan rabnaa in ay dowlad ka curato.
Tweet media one
45
50
296
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Waxqabadkeeda ayaan arkay aniga oo aan iyada aqoon. Kismaayo ayay ka furtay xarunta Ubaxa Rajada oo free wax loogu baro carruurta derbi-jiifka, caseeyayaasha & danyarta ah. 2016kii ayay hal cunug ku bilaawday, maatana 40 ayaa dhigto. Carruurteenna ayay rajo u ifisay @ZahraCarte
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
30
55
296
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Soonkii 2018 ayaan joojiyay cunidda sambuuska. Waxaa isu key qaban waayay dhibka ay gabdhuhu ka marayaan iyo sida uusan u aheyn cunto gaajo goyso, waxaana ii cuntami waysay inaan hal mar cantuugo wax dhibkaas laga maray. Waalid kasta waxaan ugu baaqayaa inuu gurigiisa ka joojiyo.
67
33
283
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Asc See Tahay Xlda Ka Wrn Maxaa Heesaa? Dadka sidaan wax u soo qoroow hadalkii nuxurka ayaad ka disheen, moobeelka dadka aad wax u diraysaaanna notification ayaad raaxada uga qaaddeen, ee fadlan hadalka isi soo raaciya ama cod ahaan noogu soo duuba, sidaanu silac waayee.
106
26
295
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Masuul diyaasbaro ah oo carruurtiisa dibadda uga soo tagtay, hoteel deggan, akoonka ay lacag uga buuxdo, gaari bulletproof ah ku socdo oo aan Maka Al-Mukarrama soo dhaafin ma fahmi karo luqadda uu miskiinkaan ku hadlayo! Qof baahan cudur kama baqo, mana jiro cudur gaajo ka daran.
49
67
298
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Aniga iyo Dr. @Samia_Mahmet waxaan halkan wadajir uga bogaadineynaa dhismaha wadada Deyniile oo maanta la dhagaxdhigay. Reer Muqdisho waxaan ogeysiineynaa in hakad la geliyay dalxiiskii degmada, Corona dartiis🤣 Deyniile & degmooyinka kale waxaan u rajeyneynaa barwaaqo & baraare.
Tweet media one
31
16
287
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
A picture is worth a thousand words. A #Somali boy protecting his mother from the sunlight. Thank you Mom❤️ 📸Adnan Abdo( @Daljirka1 )
Tweet media one
10
26
287
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Sawirkeyga ha surina derbiyada, waayo ma ihi Alle la caabudo & astaan la barakesto. Waxaan ahay shaqaale u adeega shacabkiisa. Xafiisyada ku dhejista sawirrada carruurtiinna, si aad u aragtaan markaad go'aan gaareysaan ee uga fikirtaan misiirkooda" Volodymyr, madaxweynaha Ukraine
Tweet media one
53
55
287
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
3 years
Saaxiibbadeyda reer Soomaalilaanow waxaa maanta soo ifbaxeysa oo ay dad badan hadda ku baraarugayaan halistii uu Coldoon muddada ka digayay oo uu caawa xabsi ugu jiro. Diintiinna iyo dhaqankiinnu waa qaali, ee ka foojignaada in la fududeysto oo carruurtiinna la dhaqanrogo. 1/2
Tweet media one
31
36
284
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
4 years
Two beautiful Somali girls singing the popular Somali song "Mohamed yaa Mohamed" without music. Amazing and sweet-sounding!
19
19
282
@HusseinSabrie
Hussein Sabrie
5 years
Fashilka dhabta ah waa in aad aadaanka maqasho ee salaadda aadan aadin, in aadan Quraan aqrin oo aadan ka walwaleyn, in aadan laheyn saaxiibo fiican oo aysan xanuun kugu heyn, in aad dambaawdo oo aadan ka gubaneyn, in aadan laheyn Quraan & Adkaar rukun ah oo aadan cidlooneyn IWM.
11
58
275