HersiAHassan Profile Banner
Hersi Ali H. Hassan Profile
Hersi Ali H. Hassan

@HersiAHassan

Followers
15K
Following
38
Statuses
542

Chairman of WADDANI Party, The Ruling Party of Republic of Somaliland. Former Party Leader. Former Minister of Presidential Affairs.

Hargeisa, Rep. of Somaliland
Joined May 2013
Don't wanna be here? Send us removal request.
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
3 months
Qarankeenna ayaa guulaystay!
43
62
502
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
2 days
Waxa aan ku faraxsanahay in Waddada Balligubadle aan ahaa Wasiirkii bilaabay, wax badanna aan la iiga dambayn, maantana uu nasiibku i siiyay in ay dawladdayddii dhammaystirayso!
19
16
142
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
2 days
Waxa aan maanta ka qaybgalay xafladda dhagaxdhigga waddada isku xidha Hargeysa & Balligubadle, iyada oo Madaxweynaha JSL uu si rasmi ah u dhagax dhigay. Waxa aan aad ugu faraxsanahay in uu hirgalo mid ka mid ah ballanqaadyadii uu Xabiga WADDANI ku olaleeyey, waxa aanan ku han weynahay in wakhti aan fogayn u dhammaystirmi doono jidkani, Ilaahayna inala qaban doono.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
24
7
80
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
7 days
Doorashooyinka in wakhtigoodii lagu qabto ayaa naga go'an, sida aannu hore u ballanqaadnay. Fikirkii aannu shalay korodhsiga kaga soo horjeednayna waxba iskama beddelin, oo waa halkiisii!
74
16
192
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
12 days
Waxa aan ku faraxsanahay oo aan maanta ka qayb galay xafladda ay xilka kula kala wareegayeen taliyihii hore iyo taliyaha cusub ee Ciidanka Qaranka JSL. Waa aan u ducaynayaa taliyihii hore ee geeddiga halkan soo gaadhsiiyay, midhihiisa muuqdana uu ka mid yahay taliyaha cusub ee xilka kala wareegay, aniga oo taliyaha cusub ee da'da yar ka filaya in uu dardargeliyo ciidkeenna, kana shaqeeyo horumarintiisa iyo tayayntiisa.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
15
13
71
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
21 days
Waxa aan maanta caasimadda Hargeysa kaga qaybgalay munaasabadda xilwareejinta masuuliyiinta Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL. Masuuliyiintii hore waa u mahadnaqayaa, masuuliyiinta cusubna waan u ducaynayaa, waxa aan kula dardaarmayaa caddaaladda iyo ilaalinteeda, nooc kasta oo ay tahay iyo dhan kasta oo ay galeyso.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
17
8
54
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
23 days
بيان صحفي حول اتفاق #حماس و #إسرائيل PRESS STATEMENT: #Israel - #Hamas ceasefire
Tweet media one
Tweet media two
125
15
148
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
24 days
Waxa aan maanta magaalada Boorama kaga qaybgalay munaasabadda xilwareejinta guddoomiyaha iyo kuxigeenka Gobolka Awdal. Guddoomiyahii hore ee gobolka waxa aan leeyahay: xilka oo keli ah ayaa lagaa nasiyay, ee masuuliyaddi sideedii ayaa ay kuu saaran tahay, khibraddii aad shaqada ka dhaxashayna guddoomiyaha cusub la barbaeroog, si gobolkaagu u horumaro, Qarankaaguna u guulaysto, shaqadii aad soo waddayna u kaalin gaasho. Guddoomiyaha cusubna waxan leeyahay: reer Awdal waxa ay kaa sugayaan wixii aynnu xisbinnimada ugu soo ballanqaadnay, adiga ayaana Madaxweynaha masuul uga ah gobolka, masuuliyaddaa culus ayaana ku saaran!
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
7
7
49
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
24 days
Guud ahaan, masuuliyiinta xilalka kala duwan innoo qabtay waxa aan u dardaarmayaa in wixii aannu ballanqaadnay, ee ay bulshadu sugaysay ay fuliyaan. Iidnka ayaa safkii hore ku jira oo la idin cugtay. Ballankii iyo axdigii aynnu qaadnay ee aynnu dadkeenna la galnay idinka ayaa ka masuul ah! Masuuliyaddaa ogaada, xilkeedana ka soo baxa.
37
21
149
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
1 month
Waxa maanta si rasmi ah WADDANI ahaan, na loo guddoonsiiyay shahaadada xisbinnimo ee 10-ka sanno ee soo socda, 2025 - 2034. Waxa aan u aad ugu mahadcelinayaa Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda & Ansixinta Axsaabta Qaranka, Komishanka Qaran ee Doorashooyinka iyo guud ahaan cid kasta oo qayb ka ahayd qabsoomidda doorashooyinkii GUUSHA u ahaa dadkeenna iyo dalkeenna JSL.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
26
22
112
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
1 month
Sannad cusub oo aynnu ku tallaabsanno isbeddelkii aynnu ku taamaynnay, sannad cusub oo aynnu wada jirno, waxna wada qabsanno. Hambalyo dhammaan ummaddayda reer Somaliland!
100
28
218
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
2 months
Waxa aan maanta ka qayb galay, goobjoogna u ahaa munaasabadda QARAN ee dhaarinta iyo xil ku wareejinta Madaxweynaha 6aad ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Mar kale, waxa aynnu Somaliland ahaan maanta Geeska, qaaradda iyo caalamkaba u muujinnay bisaylkeenna siyaasadeed, ilbaxnimadeenna, iyo qaangaadhnimada hannaankeenna isdoorasho ee ku qotoma qori isu dhiibka. Waxa aan hambalyaynayaa Madaxweynaha sida milgaha leh maanta xilka u wareejiyay, waxa aanan ku ammaanayaa sida uu u baarigay natiijada doorashadii qiimaha badnayn ee innoo qabsoontay. Sida oo kale, waxa aan u ducaynayaa Madaxweynaha cusab ee maanta xafiiska fadhiistay. Saaxiibkay, Madaxweyne CIRRO, waxa aan Ilaahay uga baryayaa in uu u fududeeyo xilkaa culus ee uu maanta qaaday. Waxa aan Ilaahay uga baryayaa in uu ku asturo rumaynta filashada wanaagsan ee shacabku ku qabo iyo xaqiijinta isbeddelkii khayrka qabay ee aynnu muddada dheer guclaha ugu jirnay. Ugu dambayn, waxa aan shacabka JSL ugu baaqayaa mdnimo iyo wadajir dhexdooda ah iyo in ay u diyaar garoobaan taabbo gelinta horumarka dalku u jihaysatay.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
23
41
254
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
2 months
RT @Abdirahmanirro: As the president-elect of Republic of Somaliland, I extend my heartfelt congratulations to the leadership and people of…
0
143
0
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
3 months
Madaxweynaha doorran, MD. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta kulan la yeeshay hoggaanka Xisbigiisa WADDANI. Madaxweynaha ayaa xubnaha hoggaanka Xisbiga uga mahadnaqay doorkii laxaadka lahaa ee ay ka ciyaareen GUUSHA Xisbiga iyo Murashaxiintiisii Madaxweyne & Kuxigeenba.
Tweet media one
29
37
285
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
3 months
Nabad ku codeeya, oo doorta murashax CIRRO & Xisbiga WADDANI, oo u taagan isbeddelka khayrka qaba! 1️⃣✌️9️⃣
6
18
92
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
3 months
Waxa aan ku adkaynayaa dhammaan muwaadiniinta BERRI codkooda dhiiban doona in ay diyaarsadaan kaadhadhkooda codbixinta, hubsadaan GOOBTA ay ka codaynayaan, isla markaana ay ilaashadaan kaadhadhkooda. Muwaadin, CODKAAGU waa masuuliyad, waana ammaano, waxaana ku xidhan masiirkaaga iyo mustaqbalkaaga. Maanta, gacantaada ayay taladu ku jirtaa, ee u meel day go'aankaaga, oo ku DOORO isbeddelka uu Xisbiga WADDANI hor kacayo! 1️⃣✌️9️⃣
26
14
80
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
3 months
Ballankeennu waa SANDUUQA & labada cod! 🗳✌️ Codka sii WADDANI, oo u codee rejada shacabka! 🟧
Tweet media one
23
17
130
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
3 months
KULMIYE waa dukaan kacay, oo waxba kuma hadhin! Waxaana inna saaran in aynnu macaamiisha uu hanan waayay ee ka soo jabay aynnu qancinno oo kasbanno. Aynnu talada hanashadeeda isu dhigno, masuuliyad iyo hoggaaminnna muujinno!
43
22
95
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
3 months
Madaxweynaha 4-ta maalmood u hadhsan tahay, inta uu ina soo hor istaagay ayuu inna yidhi: imminka ayaan DAWLADNIMADII bartay, ee dib ii doorta! Oo toddobadaa sannadood ee hore miyuu innagu ciyaarayay? Bal hadda daya oo u fiirsada!
41
17
89
@HersiAHassan
Hersi Ali H. Hassan
3 months
Berri waa MAALIN weyn!✌️ Bahweynta reer WADDANI waxa ay berri oo JIMCE ah guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka dalka ku muujin doonaan cududdooda taageero, iyaga oo si nabdoon isugu soo bixi doona fagaarayaasha astaysan ee loo diyaariyay. Berri, waa maalinkeennii 3aad ee u dambeeyey, waxaana inna saaran in aynnu si ilbaxnimo ku dheehan tahay u soo bandhigno cududdeenna, oo u gogolxaadhno guusheenna! Ballankeennu waa WADDANI & labada cod 1️⃣✌️9️⃣
Tweet media one
10
11
31