AqalkaSare Profile Banner
The Senate of Somalia Profile
The Senate of Somalia

@AqalkaSare

Followers
14K
Following
53
Statuses
549

The Official Twitter Account of the Upper House Of Somali Federal Parliament.

Somalia
Joined October 2016
Don't wanna be here? Send us removal request.
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
6 days
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa maanta shirguddoomiyey kulanka 1 ee guddiga joogtada Aqalka Sare, kulanka ayaa ajandahiisu ahaa ka doodista ajandayaasha golaha & guddiyada, iyagoo guddoomiyaasha guddiyadu ay soo bandhigeen qorshahooda shaqo ee hortabinta u leh kalfadhiga 6 BJFS.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
8
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
9 days
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Falastiin, wuxuuna ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay, isagoo adkeeyay garab istaagga gobonimo doonka shacabka reer Falastiin & sida ay xaqa ugu leeyihiin inay helaan dowlad la aqoonsan yahay.
Tweet media one
0
6
25
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
12 days
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo tacsi ugu tagay qoyska alle ha u naxariistee Ugaas Cabdidaahir Ugaas Nuur, ayaa xusay in Ugaasku uu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee kaalinta wanaagsan ka soo qaatay Nabadaynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
0
1
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
1 month
Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Aqalka Sare ee BJFS, ayaa qabtay kulan ku saabsan Kaalinta Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee Xalinta Khilaafaadka iyo ka hortagga Colaadaha Sokeeye, kaas laga soo saaray war murtiyeed ka koobnaa 7 qodob oo nabadda xoojinaya.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
2
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
.Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo kulan la qaatay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo kula dardaarmay in ay ka madax bannaanaadaan siyaasadda, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
0
1
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay warbixinna ka dhagaystay Guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
4
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Senator Samsam Daahir oo matalaysay Aqalka Sare ee BJFS ayaa ka qayb gashay Shirweyniha labaad ee Dib-u-habaynta Sharci ee lagu taageerayo ka qayb qaadashada Haweenka ee Doorashooyinka,kaas oo ay soo qaban qaabiyeen UNDP iyo Komishanka Sare ee Doorashooyinka dalka Libiya HNEC.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
0
1
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Gudd Guddiga Haweenka Aqalka Sare ayaa ka qayb gashay shirka caalimiga ah ee wacyigalinta u sinaanta helitaanka sharciga jinsiyadda(Nationality laws)oo ka dhacday Dalka Switzerland.Shirkaas oo ay kasoo qaybgaleen baarlamaannada,xukuumadaha & bulshada rayidka ah ee ka midka 24 dal
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
0
1
3
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Habdhowraha Aqalka Sare Marwo Samsam Ibrahim, ayaa maanta daah furtay aqoon iswaydaarsi ku saabsan horumarinta qoondada Miisaaniyadda ee qaybaha arrimaha Bulshada oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare iyo howlwadeennada Golaha.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
0
0
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Xaquuqul Insaanka, Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta tababar ku saabsan masuuliyadaha iyo waajibaadka shaqo ee lagu kala caddaynayo Baarlamaanka JFS iyo Hay'adaha fulinta u qabtay shaqaalaha Baarlamaanka iyo Wasaaradaha amniga iyo caddaaladda XFS.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
2
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo uu weheliyo ku xigeenkiisa labaad, ayaa maanta kala qayb galay Sanatarro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale, kulan Quraan akhris ah oo loogu ducaynayay alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
3
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo ay wehelliyaan Guddoomiye ku xigeenka 2 ee Aqalka Sare, Raiisul Wasaare ku xigeenka XFS, Sanatarro, Xildhibaanno, Culuma'udiin & marti sharaf kale, ayaa maanta saxiixay buugga Tacsida, Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
2
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, ayaa hambalyo ku aaddan aqoonsiga Xeer Ciise u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, maadaama hay'adda Qaramada midoobay u qaabilsan dhaqanka UNESCO ay si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise inuu yahay xeer caalami ah.
Tweet media one
0
4
6
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Waxqabadka Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kalfadhiga shanaad.
Tweet media one
Tweet media two
0
6
9
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Guddoomiye ku xigeenka 2 ee Aqalka Sare oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Raysalwasaare hore, Sanatarro,Xildhibaanno & masuuliyiin kale DFS iyo DXDF, ayaa ka qayb galay aaska Sen. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo maanta galinkii dambe lagu aasay Magaalada Galkacayo.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
4
7
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo weheliyo Gudd ku xigeenka labaad, Sanatarro,Wasiirro iyo Safiirka Turkiga ayaa qayb galay jinaasada alle naxariistii Sen. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Guddoomiyaha iyo Gudd ku-xigeenka 2, ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo jannada.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
1
3
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Guddoonka, Sanatarrada, Maamulka & howl-wadeennada Aqalka Sare Baaarlamaanka JFS, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo ehelada uu ka geeriyooday alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ku geeriyooday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga
Tweet media one
0
2
6
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
2 months
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi ayaa iclaamiyay xiritaanka kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare Baarlmaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka billaaban doonna maanta oy taariikhdu tahay 01 Dic 2024 kuna eg 02 February 2025.
Tweet media one
0
4
6
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
3 months
Xubnaha Guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga, ayaa kulan la qaatay, Madaxwaynaha dalka Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan, iyagoo la wadaagay madaxwaynaha xaaladda guud ee dalkeenna iyo horumarka soo kabashada leh ee la gaaray.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
0
2
5
@AqalkaSare
The Senate of Somalia
3 months
Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ansixiyey xubnaha guddiga doorashooyinka iyo soodimaha oo ka kooban sideed iyo toban xubnood, waxaana oggolaatay 169 Mudane, 6 Xildhibaan ayaa diiday, qof ka aamusayna majirin.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
0
5
13