AbdiShirdoon Profile Banner
Abdi Farah Shirdon Profile
Abdi Farah Shirdon

@AbdiShirdoon

Followers
3K
Following
33
Statuses
35

The Official account of 16th Prime Minister of the Federal Republic of Somalia.

Mogadishu, Somalia
Joined March 2019
Don't wanna be here? Send us removal request.
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
5 days
BISMILLAH Waxaan si weyn u bogaadinayaa, dhiiri gelinayaa oo garab-istaagayaa howlgallada geesinimada leh ee ay wadaan ciidamada Puntland, kuwaas oo ka socda Buuraha Calmiskaad iyo deegaanada la xiriira, si loo ciribtiro kooxaha Khawaarijta Daacish. Guulaha isdaba joogga ah ee ciidamada Puntland ka gaareen ciribtirka Daacish iyo ajaanibta isi soo bahaystay waxa ay muujinayaan in argagixisada laga adkaan karo, haddii la isku duubnaado, taasoo fursad u ah in dalka oo dhan laga ciribtiro cadowga nabadda iyo horumarka hortaagan. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah intaba, in ay si buuxda u garab istaagaan Ciidanka Puntland, si loo ciribtiro cadowga ummadda Soomaaliyeed una xaqiijiyo amni iyo nabad waarta.
Tweet media one
14
37
226
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
6 days
Waxaan ugu hambalyeynayaa shacabka iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, kuwa Puntland, Hirshabeelle, iyo Galmudug, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Daacish iyo Al-Shabaab. Howlgalladan oo si geesinimo leh ay u fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo ciidamada amniga dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federalka ah, iyagoo kaashanaya dadka deegaanka, waxa ay dhirbaaxo culus ku noqdeen argagixisada caadeysatay dhibaatada shacabka. Argagixisadu waa cadowga ugu weyn ee hortaagan nabadda, horumarka, iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaan bogaadinayaa go’aanka geesinimada leh ee ay qaateen ciidamada Puntland ee la dagaallamaya khawaarijta Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Calmisaaka, iyo sidoo kale howlgallada qorsheysan ee ay ciidamada Hirshabeelle iyo Galmudug ku beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku waxyeelleynaya shacabkeenna. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku boorrinayaa inay si mideysan u garab istaagaan ciidamada qalabka sida, si loo ciribtiro cadowga nabadda iyo horumarka. Waxaa lama huraan ah in dhammaan ummadda Soomaaliyeed ay midoobaan, kana shaqeeyaan sidii looga adkaan lahaa argagixisada raba inay sii wadaan gumaadka shacabka iyo curyaaminta horumarka dalka. Waxaan mar kale ugu baaqayaa madaxda heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federalka ah inay mideeyaan dadaallada lagu xoreynayo dhammaan deegaannada weli ku jira gacanta cadowga. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, dowlad iyo shacabba, waxaa waajib ku ah in loo midoobo ciribtirka argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo dowladnimo xooggan. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa beesha caalamka inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya xilligan muhiimka ah. Soomaaliya waa ka adkaan doontaa argagixisada, shacabka Soomaaliyeedna waxay heli doonaan nabad, horumar iyo dowladnimo waarta. Guul baan u rajeynayaa ciidamadeena geesiyaasha ah!
Tweet media one
16
41
306
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 months
Gobolka Geeska Afrika wuxuu kamid yahay meelaha ugu colaadda badan adduunka, waxaana usii dheer abaaro iyo musiibooyin kale oo awoodeena ka baxdan. Si annaguna aan wax u qabsanno, dalalka gobolkana wax ula wadaagno, waxaa muhiim ah inaan helno dowlad macno leh oo shaqeysa.
4
19
62
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 months
1/3: Dalka waxaa ka jiray muddo dheer laba dagaal, waana kii argagixisada lagula jiray iyo dagaal beeleedyo. Waxaad moodaa in dagaal ugub ah lasoo kordhiyay oo ah mid u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyo. Alle hanaga qaboojiyo.
1
0
9
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 months
Waxaa si heersare ah la iigu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Minneapolis, waxaana xogwareysi la yeelan doonaa bulshada Soomaaliyeed ee gobolkan Minnesota. Mahadnaq ballaaran dhammaan intii ka qeyb qaadatay.
4
21
87
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 months
Dal iyo dad nugul marka aad taladiisa hayso, hal waddo un baa kuu furan, waana inaad u turto oo aadan culays ku noqon haddii is qabqabsi yimaado. Xilligii aan Golaha Xukuumadda hoggaaminayay, waxaa nagu dhacay arrimo ugub ah. Balse waxaan ku furdaaminnay xilkasnimo iyo adkaysi. Taas baa hoggaamiye kasta laga rabaa.
0
6
15
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 months
Difaaca iyo ilaalinta midnimada dalka waa masuuliyad noo wada taalla, ka qeybgalka siyaasaddana inta aqoonteeda leh yaysan ka gadoodin. Anigaa ugu horreeya oo bannaanka usoo baxaya.
3
20
77
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 months
Dimuqraadiyeynta dalka iyo doorasho qof iyo cod ah waa halka aan tiigsanayno, waa hawl aan ka daahnay, waana mid loo baahan yahay. Hase yeeshee, kalsoonidii lagu fulin lahaa hawlahaas baaxadda leh haatan dalka kama jirto.
9
20
76
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 months
Dhaqanka wanaagsan ee maamulka dowladda waa in karti iyo hufnaan lagu xusho dadka xilalka loo dhiibayo, lagana gudbo in kooxda ku guuleysata doorashada aysan masuuliyadda isku koobin kaligood. Samata bixinta Soomaaliya waa masuuliyad wadareed.
4
18
73
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 months
Laabteyda ayay ku beerantahay inaan meel walba ugu tago dadka Soomaaliyeed ee ay duruufuhu kala fogeeyeen, waxaana reer Colombus ku bogaadinayaa sida ay uga dhex muuqdaan siyaasadda iyo arrimaha bulshada dalkan.
3
19
86
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 months
Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoyska iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab). Senator Gaagaab wuxuu ahaa samadoon iyo siyaasi fiiro dheer leh oo kaalin mug leh kasoo qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, waxaana si wanaagsan loogu xasuustaa doorkii uu kulahaa dhismaha Dowladda Puntland oo uu ka noqday Madaxweyne Ku Xigeen. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ku abaal mariyo, qoyska iyo qaranka Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan haka siiyo.
Tweet media one
8
10
60
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 months
Hadal-jeedintaydii magaalada Columbus, Ohio, ee aan kula hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus.
17
55
232
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 months
Waxaa la igu sharfay inaan daahfuro tartanka ciyaaraha ee xilliga qaboobaha oo ay soo qabanqaabiyeen New American Sports Heritage. Waxaan mar kale u mahadcelinayaa reer Columbus sida qiimaha badan oo ay iisoo dhaweeyeen.
9
31
176
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
3 months
Hadal-jeedintaydii gaaban ee soo-dhawaynta gegida diyaaradaha Columbus, Ohio.
7
32
151
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
3 months
Waxaan goor dhow soo gaaray Columbus, Ohio, oo ah bilow safar aan ku marayo magaalooyin Mareykanka. Mahad ballaaran ayaan u dirayaa bulshada halkan ku nool sida diirran ee ay iigu soo dhaweeyeen. Maalmaha soo socda, kulamo ayaan la yeelan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada.
Tweet media one
Tweet media two
Tweet media three
Tweet media four
10
27
213
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
7 months
Tweet media one
2
14
125
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
8 months
Tweet media one
24
32
283
@AbdiShirdoon
Abdi Farah Shirdon
2 years
1️⃣Hambalyo garawsiga baahsan (dhammaan siyaasiyiinta) ee dimuqraadiyeynta xukunka dalka: Codeyn dadweyne. Waa arrin waafaqsan dastuurka oo soo daahday ee hala dedejiyo 2️⃣Go’aano siyaasi ah laguma beddeli karo mawaaqif dastuuri ah/masiiri. Ha loo dhug lahaado Somalia ha loo turo.
33
41
297